Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo si Qoto dheer uga waramaya qodobo Xasaasiya(DAAWO)
Hargeysa April 26,2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si qoto dheer uga waramay arimo dhawr ah oo xasaasi ah.
Guddoomiye Faysal ayaa ka waramaya arimaha wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland”Hargeysa iyo Muqdisho waa ay wadahadalayaan,kolkii horena iyagaa wax isku darsaday”. ayuu yiri Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha UCID waxa uu si qoto dheer uga waramay shirka Kismaayo oo uu sheegay in ay dawlada Soomaaliya ku ayidsan yihiin”Reer afmadoow jinka ha iska naareen oo sumcadooda ha dhawrteen”ayuu yiri guddoomiyaha UCID.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale soo maray gobolada Awdal iyo Selel oo uu sheegay in cabashooyin ka jiraan
Guddomiye Faysala Cali waxa uu sheegay in uu safar dhawaan ku tegay kilinka shanaad oo uu sheegay in loo bahan yahay in cilaaqaad wanaagsan lala yeesho”Hadii aanu kilinka shanaad la noolaan kari weyno yaanu la noolaan karaa”ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali.