|

Daawo Gudoomiyaha Wargayska Hubaal oo ka hadlaya Dhaawicii ka soo gaadhay rag boolis ah oo soo Weeraray

Hargaysa 24.April (SDN) Gudoomiyaha Wargayska Hubaal oo ka Mid ah Wargaysyada Madax banaaan ee Ka soo Baxa Caasimada Hargaysa Maxamed Axmed Jaamac Caloolay ayaa dhaawac fudud oo Jabniin ahi ka soo Gaadhay kadib markii Iaba nin oo ka tirsan ciidanka Booliiska Somaliland oo Ku hubaysan Baskoolado iyo Bakoorado ay u soo daateen habeenkii Xalay Xarunta Wargayskaas oo ay Xiligaas ka Socotay Shaqadii Wargaysku .

Gudoomiyaha Wargayska Hubaal Maxamed Caloolay oo Maanta Saxaafada la hadlay ayaa Sheegay in labadan Nin ay Gudaha u soo Galeen Xarunta Wargayska isla markaana ay Albaabkii Hoosta ka xidheen waxaanu Xusay inuu Sanqadha u baxday ay Moodayeen Dhalinyaro ka tirsan Wargayska oo Qol ka mid ah Xarunta Wargayska ku daawanayay Ciyaar si toos ah u socotay.

Caloolay Waxa uu Tibaxay in ragani ay si Toos ah u soo beegsadeen Qolkii uu Wax ku diyaarinayay oo ay laba nin oo kale kula sugnaayeen isla markaana uu Mid ka mid ahi ku dhawaaqay Waa kan Ninkii,iyadoo isla markaana uu Hal baxad ahi ila soo beegsaday taas oo ku dhacday Gidaar ka danbeeyay .

Gudoomiyaha Hubaal waxaa kale oo uu Sheegay inay u  suurto gashay inay iska caabiyaan labadaas nin kadib markii mid ka mid ah Boostooladii ka qabsadeen isla markaana kii kale uu ka firxaday ,Isagoo intaas ku daray in Gacantu ay ku Jabtay Markii Ninkan ay Qabteen uu Bakoorad ku dhuftay..

Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Amed Jaamaca  waxa uu falkaas lagu weeraray Xarunta Wargeyska ku Eedeeyay inay Xukuumaddu Ka danbaysay isagoo  isagoo sheegay In Mas’uul ka Tirsan Qasriga Madaxtooyada laga Helay Mobilka Ninka ay qabteen inay Wada hadlayeen isla Markaana ay Yihiin Walaalo kaas oo Sida Wararku Sheegayaan ah Agaasimaha Gaadiidka ee Madaxtooyada .

Arrinta xusida Mudan ayaa ah in Markii Hawl-wadeennada Wargeyska Hubaal gacanta ku dhigeen Ninkan Askariga ah ee loo soo adeegsaday isku dayga dil ee Maareeyaha , ay jeebadiisa ka heleen qalab isugu jira Qufullo iyo furayaashoodii, Tooshash, iyo walxo kale kuwaas oo sida qorshihiisa fashilmay ahaa  in marka ay hawlgalkooda fuliyaan dusha ka qufullaan albaabka hore ee Deyrka WArgeyska si aanay u suurto gelin laga daba yimaado, sidaasina ay ku baxsaddaan hase yeeshee waa ay ku fashilmeen. Sidoo kale waxa Telefoonka (Mobile)-ka askarigan laga dhex helay Lambaro Saraakiil sarsare oo ka mid ah Madaxtooyadda kuwaas oo shan daqiiqo ka hor intii aanu u soo diyaar garoobin falkan xidhiidh wada sameeyeen.

Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal ayaa Ciidammada Ammaanka ku wargeliyey weerarka lagu soo qaaday iyo khasaaraha hantiyeed ee raggani soo gaadhsiiyeen, waxaana markii dambe xarunta yimi saraakiil ka tirsan  ciidammada ammaanka iyo laanta dembi baadhista ee C-I-D-da kuwaas oo xabsiga u taxaabay ninkii la qabtay oo figaysan, su’aalona ku weydiinaya xabsiga dhexdiisa.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa cadeeyay in Ninkan falkan ay Wariyayaasha Wargayska Hubaal ku soo qabteen uu Ka Tirsan yahay Ciidanka Booliska isla Markaana ay Socoto baadhistii Falkan.

Ururka Suxufiyiinta Solja ayaa iyana canbaareeyay falka lagu bartilmaameedsaday Xarunta Wargayska Hubaal ee dhaawacu ka soo gaadhay Gudoomiyihii Wargayskaas waxaanay hay’adaha amaanka ka dalbadeen in Sharciga la mariyo labadaas nin iyo cidii kale ee Ku Lug  lagaydba.

Waa markii u horeysay ee tallaabo noocan oo kale ah lagu soo qaado Wargeyska xorta ah ee Hubaal tan iyo intii uu saaxdda warbaahinta ku soo biro badhtamihii kal hore, waxaana  falkani muujinayaa Sida loo Neceb yahay Saxaafada Xorta ah oo ah ta Somaliland soo Gaadhsiisay Maqaamka ay taagan tahay .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed