Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Kulan la qaatay Saraakiil ka Tirsan Hay’ada USAID
Washington 25.April (SDN) Madaxweynaha JSLand Mud, Axmed Maxamed Maxamuud,iyo wafdigiisa oo ku guda jira socdaalkooda dalka maraykanka ayaa magaalada Waashinton kulan kula yeeshay Madaxda hay’ada qaabilsan Kaalmada maraykanka ee USAID.
Kulankaas ayaa wafdiga madaxweynaha iyo saraakiisha sare ee hay’ada USAID waxay kaga wada hadleen, kaalmada dalka Maraykanka ee Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Madaxda Hay’adda USAID ayaa waxay kulankaas ka sheegeen, in kaalmada sanadkan ay u qorsheeyeen Somaliland ay ka bad-naan-doonto tii sanadkii hore, isla markaana aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin wada shaqayntoodu aqoonsiga Maraykanku siiyey dawlada Somaliya.
Dhanka kalena, sida uu sheegay, safiirka Somaliland u fadhiya dalka maraykanka Ambasador,Rashiid Gaaruf, waxa madaxweynaha iyo wafdigiisu maalinta Berri ah kulamo la yeelan doonaan Xil-dhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Maraykanka,sidoo kalena waxay la kulmi doonaan madax ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka maraykanka.Waxa kale oo madaxweynaha iyo wafdigiisu ay kulamo la qaadan doonaan shirkado danaynaya maal gashiga dalka Somaliland.
Washington DC SDN.
Qurbejoog.com