Wasiirka Arrimaha Dibada Britain oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
Muqdisho April 25 2013 (SDN)– Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha arimaha dibada ee Ingiriiska William Hague kaasi oo Airportka Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ujeedka safarka xoghayaha arimaha dibada ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay tahay daahfurka safaarada UK ee dalka Soomaaliya oo lagu wado in laga furo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo William Hague ayaa kulanka wuxuu uga socdaa Airportka Muqdisho halkaasi oo aan la ogeyn waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadlayaan labada dhinac.Wariyaha Risaala Guuleed Xasan Cali oo goobta ku sugan ayaa soo sheegaya inay taagan yihiin banaanka hoolka Madaxweynaha iyo William Hague shirka uu uga socdo iyadoo shirkaasi markii uu soo dhamaado kadib faahfaahin laga sugaayo madaxda inay ka bixiyaan.