K/koofureed oo ka digtay Talaabo ay ka qaado Kuuriyada Waqooyi
Seoul April 26,2013(SDN)- Dowladda K/koofureed ayaa waxa ay ka digtay in ay Talaabo ka qaadi doonto sida ay hadlka u dhigtay K/Waqooyi hadii ay diido in ay wada hadalo ka galaan Aaga Warshadaha ee loo yaqaano Kaesong.
Wasiir ka tirsan Xukuumada Seol ayaa sheegay in Agaaga Warshadaha Kaesong uu yahay mid aad muhiim ugu ah labada doladood, waxaana uu sheegay in hadii ay diido xukuumada Pyongyang wadahadal ku aadan in uu Cawaaqib xuxun ka dhalan karo.
Dowladda K/waqooyi ayaa horaatii bishan xirtay Aaga Warshadaha ee Kaesong, taasi oo keentay in dad kabadan 53,000 oo shaqaalo ah oo ka soo jeeda K/koofuereed ay ku shaqo waayeen.
SDN-Seoul
contact@somalidiasporanews.com