Hal Abuur Da’ Yar oo si Farshaxamaysan Uga Jawaabay Gabaygii XIRSI
“La yaab Malaha Waar Dadkani Wayska Maax Dumaye
Waa duni hal doqonkii la yidhi diiradda u haye
Waa duni haldoorkii mudnaa daah la guud sudhaye
Waa duni midida duluqlihii dabada haystaaye
Waa duni nimaan jiirna dilin dirir ku faanaaye
Waa duni dabuub iyo murtiyi dabada jeedsheene
Waa duni ninkaan deel aqoon maanso dararshaaye
Waa duni cagaarkay lahayd diir la guud furaye
Xaal sii Xirsoow deelka gabay oo dib haw tirin
Waa iga dardaarane markale dood ha soo Celinin
Haddii kale irmaantaan dallici oo gabayba waad dayrin”
*********************
Digta gabayga waayadan ma tirin dararta maankayga
Ma daleeyo jeeruu dihnigu igu duduucaaye
Dareenkayga laabtiyo qalbigu igu yidhaa doode
Bal aan tiriyo maantuu dannigu deexo leeyahaye
Maansadan dabayluhu wadaan amase duufaanku
Ee duuda miranaysa iyo dooxyadiyo kaynta
Ee la yidhi xirsaa daabacoo deelka ka higaadshay
Dubaaqaygu goortuu maqlaan amakaag didaye
Dood baan ka leeyee bal aan idin durduursiiyo
Ninka gabayga dalabtale unkoow waan dulmarayaaye
Saddex qodob ayay daarantahay duun u hadalkaagu
Laba ima durine midise waar wayga degi wayday
Madaxwaynahaan dooranee foodka ugu deeqnay
Halyay doora weeyoo dalkana hiil usoo galaye
Marlay daacad weeyoo dadkana waw dedaalaaye
Gabbal dumayba wuxu daydayaa guul iyo aqoonsi
Dawladnimada aan haysanee lagu dawaafaayo
Anana waan ognahay inaanu duqu dalaw ka tuurayne
Taa inad yar deecaamiso kulama baan diidin
Halgankiyo dagaalkii adkaa ee dadkani heeray
Daryankii madfaca iyo markii dirirtu xoogowday
Dabaabadaha xiimiyo markii loo dalbaday miiga
Teeriga markii lays daree seeftu dananaysay
Magaalooyinkii wada dumeen daaro iyo buulal
Maalintuu dadwaynuhu qaxee dibada loo yaacay
Dulcad iyo daroor iyo jigjiga dulugluhu is gaadhay
Gabay laguma soo duubi karo door wixii dhacaye
Iyana inaad yar deecamiso kulama baan diidin
Waxsay tahay midaan diidanee duunka geli wayday
Digdigta iyo goolaaftankiyo doobta aad ridatay
Faankan aad dudubisee adigu aad isugu deeqday
Nin dooroo amaan uun dalbaday waa milgo la’ aan
Inuu yahay RI, teed dib ujaqdaan cidina diidayne
Waxaan uga danleeyahay murtida waan dul marayaaye
Dadkaa ku arkayoo waxad fashaba kuugu duur xuliye
Diiwaanka iyagaa hayoon dacal ka dhaafayne
Iyagaan darjiidhayn marnaba oo ku dawmarine
Dulucdeedu waa maxay digniin tookha iyo faanku
Xirsoow deelka gabay maahe’ garo dayn iyo amaah
Daruur maaha hoortoo cid wali dacal ka maashaa
Waa deeq ilaahoo rabbigu dad u hibeeyaaye
Hadmaad daramalkiisiyo tiqiin doobi culistiisa
Deelayda gabay iyo murtida diilinta ujeexday
Darmaantiisa goormaad tiqiin sida dar loo geeyo
Duumaale ma adaa gabyoo deexanjiray maanso
Sawdigan sidii koora dadab dacal ka heeryeeyay
Sawdigan higaad kaa da’ wayn duudka sare saartay
Sawdigan darjiidhee derejo sheegtay kaa durugsan
Layaab malaha oo waar dadkani wayska maax dumaye
Waa duni hal doqonkii la yidhi diiradda u haye
Waa duni haldoorkii mudnaa daah la guud sudhaye
Waa duni midida duluqlihii dabada haystaaye
Waa duni ninaan jiirna dilin dirir ku faanaaye
Waa duni dabuub iyo murtiyi dabada jeedsheene
Waa duni ninkaan deel aqoon maanso dararshaaye
Waa duni cagaarkay lahayd diir la guud furaye
Xaal sii xirsoow deelka gabay oo dib haw tirin
Waa iga dardaarane markale dood ha soo Celinin
Haddii kale irmaantaan dalici oo gabayba waad dayrin
Runta lama dafiro oo ilaah wayna dilayaaye
Ma adigaa darwiish noqon karoo duulan kicinaaya
Xaajadu markay dabin gashee dalaw ka laalaado
Ama ay jar dheeroo deldelan raafka kala duusho
Ma adigaa xirsoow doobir iyo dooni kara daawo
Laba deero oo galab is dilay kala kaxaynaaya
Dar allee xirsoow ma adigaa maqal dabaalaaya
Ma adigaa dulqaad sheegta oo dhaafi kara daano
Ma adigaa dulmiga caydhiyoo samir ku doodaaya
Sowdigii dorraad galab niyow erayga diidaayay
Hadal dumarka soo baxay markaad dunida gaadhsiisay
Dacwad sowdigii soo furtee looyarada doontay
Haddaad sama ka talinayso waad dedi lahayd taase
Waa digasho ruux maati xidha libin ku doonaaye
Xaalsii xirsow deelka gabay oo dib ha u tirinin
Waa iga dardaarane markale dood ha soo celinin
Haddii kale irmaantaan dalici oo gabayba waa dayrin