Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xariga Ka jaray Talaalka Curuurta Oo Ah Kii Ugu Balaarnaa (Sawirro)
Muqdisho April 24 2013 (SDN)— Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaray munaasabad lagu furayay Talaalka carruurta.
Munaasabadan xariga looga jarayay talaalka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dalka, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, saraakiil ka socday hay’addaha Q.M, dhaqaatiir, ururada bulshada iyo dadweyna aad u badan.
Talaalkan uu maanta xariga ka jaray Madaxweynaha ayaa waxa uu yahay mid ugu balaarnaa waxaana caruuta looga taalyaan Shanta cudur ee dilaaga ah.
Maryam Qaasim Axmed , Wasiirka Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ka hadashay Munaasabada ayaa sheegtay in talaalkan maanta la furay ay ku jiraan Saddex Talaal oo cusub kaas oo markii ugu horeeyay la keenay dalka Soomaaliya uuna yahay mid qaali ah.
Madaxweyne Xasan Shiiq ayaa talaalka ku bilaabay laba carruur ah isagoona gacantiisa ugu dhibciyay Talaalka, waxa uuna sheegay in talaalkan uu wax wey ka badalayo caafimaadka carruur badan oo Soomaali ah.
Daawo Sawirrada Munaasabadaasi