“Qodob odhanaya Guurtidu way isu Kordhin kartaa,Wakiiladana Way u Kordhin karaan Ma Jiro + Ma Ogolin Diiwaangelinta ay Wado Wasaarada Arrimaha Guduhu” Gudoomiyaha Ucid {DHAGAYSO}
Hargaysa 24.April (SDN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta si adag u naqdiyay Mudo Kordhintii ay Golaha Guurtidu u Sameeyeen Golaha Wakiilada .
Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta u Waramay ayaa Waxa uu Tilmaamay In Somaliland ay Dhibaato Baaxad leh kala kulmeen Midowgii ay la Galeen Somalia waxaanu Iftiimiyay Shirkii Turkiga ku dhex maray Somaliland iyo Somalia isla markaana uu ka mid ahaa Ergadii Somaliland u Metelaysay Wada hadaladaasi inay ahaayeen kuwo Najaxay .
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxaa kale oo ka Warbixiyay Kulamo uu la soo Yeeshay Madaxda Sar Sare ee Dawlada Ismaamulka Somalida Itoobiya.
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu Markii u horaysay ka hadlay Diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Wado Wasaarada Arrimaha Guduhu taas oo uu Shacabka u soo Jeediyay inaanay Qaadan.
Halkan Ka Dhagayso Hadalkii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Faysal24.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com