Puntland oo Sheegtay in ay Weydiisan Doonto Saamigeeda Waxbarasho
Garoowe April 24 2013 (SDN)– Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa ku amaanay Wasaaradda adeega bulshada dadaalka ay ugu jirto hurumarinta waxbarashada.
Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa sheegay in ay ka codsanayaan mar kale dowladda Soomaaliya in saamiga deeqahaha waxbarasho ay ku leeyihiin ay ka helaan wasaarada adeega bulshada.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland ayaa sheegay dhinaca kale in manhaj waxbarasho oo u gaar ah ay samaysteen kaasi oo uu sheegay in uu ka madax banaan yahay midka ay wado dowladda.
Wasaaradda waxbarashada Puntlannd ayaa hada wada tirakoobka dugsiyada iyo macaliinta deegaanada Puntland.
SDN-Garoowe