|

Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya oo Ilaalo Gaar ah loo sameynayo iyaga iyo xaruntooda

Muqdisho April 24 2013 (SDN)— Gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa ka hadlay sida laga yeelayo xaaladda amaan ee Xildhibaanada iyo Xarunta ay ku shiraan ee Golaha shacabka.

Isaga oo ka jawaabayay dhaliilo dhinaca amaanka ah oo ay soo jeediyeen Xildhibaano ayaa waxa uu sheegay Mr Jawaari ciidamo gaar ah loo sameyn doono Xildhibaanada iyo Xarunta.

Gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya ayaa sheegay inĀ  sidoo kale qalab casri ah oo ka gacansiiya amaanka ay u sameynayaan Xaruntaasi kaasi oo hada uu sheegay in uu diyaar yahay.

Xildhibaanada barlamanka ayaa aaminsan in uu yara dabacsan yahay amaanka Xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.

SDN–Muqdisho

Comments are closed