|

Cukuse“Madaxweyne Siilaanyo waa ka soo dhaweeyay inuu qalin la saxeexdo Madaxweyne Soomaaliya ah oo u ogol inay siman yihiin”

Hargeysa April 23,2013(SDN)- Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu tilmaamay inay Soomaaliya haystaan Ictiraaf amaah ah,halka Somaliland-na ay ku tun-tuunsatay dawladnimo raasamaal leh.

Wasiir Ku xigeenku waxa uusidaasi ka sheegay kulan qado sharaf ah oo maanta xukuumadda Somaliland Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ugu samaysay in ka badan 70 xubnood ooka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta, kaasi oo lagu faaqiday sidaloo sii xoojin lahaa in saxaafaddu ay taageerto qaranimadda iyo himilooyinkaqaranku hiigsanayo.

Wasiir Ku xigeenka oo ka hadlayay ujeedada kulankaasi waxa uuyidhi “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego ujeedada kulankan aynu u qabanayhorta Saxaafadda iyo Fanaaniintu meel ayay wax ka yara wadaagaan.Anigu in badanbaan labadaba soo ahaayoo labadaba haddii la yidhaahdo waan ku casuunay shakiayaa gala, waan ku casuumay mahadsanid uun baa ku xigta. Shaki inaad is gelisoma aha bacdaasi waa bac saxaafadda oo qudha ku kooban. Anigu haddii aan kucasuumo waan ku sharfay, waan kuu yeedhay xaqna waad iigu lahayd. Waynu iskunimid labadeenuba waynu is gacan qaadaynaa innagoo is jecel ayaynu wadaqadaynaynaa waynu iska tagaynaa. Markaa maxaa bacdan keenay?”

Wasiir Ku xigeenka warfaafinta oo hadalkiisa sii watay waxa uuyidhi “Ta labaad Saxaafadda waan u mahad naqayaa, waxaanan ugu mahad naqayaainay duruufteena la da’yihiin. Saxaafadda koriinkeedu Somaliland buu lada’yahay. Inkasta oo aad ogtihiin inay waxaynu qorayno ee aynu sii daynaynocabasho badani ka timaado oo marar badan aad maqashaan dadkeena oo lehSaxaafadda yaa naga qabta?. Haddan a dedaal badan bay saxaafaddu halkan ku soogaadhay oo waan ku bogaadinayaa, wuuse iska jiraa mid mid xayraan ah oo innagudhex jiraa.”

“Somaliland oo uu AxmedMaxamed Maxamuud (SIIlaanyo) Hoggaaminayo muxuu ku soo kordhiyay muddo labasano iyo dheeraad ah, waa taas inaynu taas isha saarno oo toosh ku qabanyomuxuu soo kordhiyay?, iyadoo wixii ugu weynaa ee aynu doonaynay aqoonsi buuahaaye’ halka uu soo gaadhsiiyay waa inaynu tooshka ku qabano ayaa ka wanaagsaninaad tooshka ku qabato cidhbaheenna, gondaheena iyo xaafadaheena,”ayuu yidhiWasiir Ku xigeenka warfaafinta.

Wasiir Ku xigeenku waxa uu is bar-bar dhigay heerarka kala duwanee ay kala taagan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Maantainnaga iyo Soomaaliya muxuu ahaa farqiga u dhaxeeya labada madaxweyne.labadamadaxweyne Mid Soomaaliya ayaa la yidhaahdaa marka uu diyaaradda fuulo ee uudal kale la kulmo wuxuu la kulmaa maqaam madaxweyne waana la aqoonsan yahaysaacadaas wuu qoslaa, wuxuu murugoodaa oo madoobaadaa marka uu Muqdisho ka soodego waayo waxa uu garanayaa meeshaas inaanu dal dhisan iyo dawlad dhisani kasii horayn.

Madaxweynaheenuna (Somaliland) waxa uu duulaa isagoo faraxsan ,waxaanu soo degaa isagoo faraxsan oo og inuu dal dhisan iyo dad dhisan uu uimanayo faraqa inoo dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya waa kaasi.”

“Nalama Ictiraafin laakiin waxaanu haynaa raasamaal iyodawladnimo ayaynu haynaa raandhiis leh, iyagana (Soomaaliya) waa la ictiraafay,ictiraafkaasi ayay hayaan oo ammaah ah. Waxay ila tahay tartan imika kuma jirnolabadeena dhinac waxase aynu nahay laba dal oo walaalo ah oo danina kadhaxayso, waan u ducaynaynaa Soomaaliya inay raasamaalkaas dawladnimogaadhaan,”ayuu yidhi Mudane Cabdilaahi Cukuse.

Wasiir Ku xigeenku waxa uu sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyouu yahay Hoggaamiyihii u horeeyay ee Somaliland ee gaadha,kulanna la yeeshaRaysal wasaareyaasha Britain iyo Turkiga.

“Waa Madaxweynaha soo dhaweeyay inuu qalin la saxeexdomadaxweyne Soomaaliya ah oo u ogol inay yihiin laba Madaxweyne oo siman. Markaasoo ma aha inaynu ku ixtiraamno oo aynu shiidka ka dayno saxaafad ahaan markauu baxo soo ma aha. Waxaan leeyahay saxaafadda inanka askariga ah ee xuduudajooga ayaad la mid tihiin. Waxaana la idinka doonayaa inaad qalinka kudifaacdaan,”ayuu yidhi Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Sidoo kale, Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Mudane AxmedSaleebaan Dhuxul oo ka hadlay kulankaasi ayaa suxufiyiintii shirka ka soo qeybgalay uga mahad celiyay siday u soo ajiibeen marti-qaadkii xukuumaddu usamaysay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlayaaf-ka madaxtooyada Somaliland waxaan idiinka mahad naqayaa sidii wanaagsanaydee wadniyada lahayd ee aad u soo bandhigeen dareenka shacabka iyo doonitaankeena.Tan aynu maanta halkan isugu nimina waxa weeyaan wixii wanaagsan ee inoosookordhaa waa wax inaga wada dhexeey, qarankana qof malaha ee waa wax aynuwada leenahay dhamaanteen.”

“Qofku waxa uu qiimaysan yahay, qiimo-na ku yeelanayaa hadbaqarankaas uu hoos jooga sawirka ka baxa ayuu ku qiimays naanayaa. Markaawaxaynu isku baarujinayanaa halkaa aynu maanta taaganahay waa marxalad u baahanin halkaa laga sii ambo qaado taageeraduna ay sii socoto, qadiyadeeanana aynubar-bar istaagno,” Ayuu yidhi Mudane Dhuxul.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Madaxwaynuhusidaad ogsoontihiin waxa uu joogaa dalka maraykanka, waxaanuu joogi doonaa intodobaad ku dhaw. Madaxwaynuhu inta uu joogo maraykan waxa uu la kulmi doonaaHay’addo caalami ah oo uu ka jeedin doono xaalada dalkeena iyo marxaladihii uusoo maray.”

“Madaxwaynaha waxay is arki doonaan masuuliyiin sar-sare oo katirsan dawladda maraykanka. Madaxwaynuhu waxa uu la kulmi doonaa jaaliyadaSomaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka, kuwaas oo markii uu madaxwaynuhudalkaas gaadhay si wayn u soo dhaweeyey,”ayuu intaas raaciyay Afhayeenku.

Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay Guddoomiyaha Haatuf MediaGroup Yuusuf Cabdi Gaboobe, Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Cabdilaahi AadanCumar (Wayab), Tifafriraha Wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Cirro),Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah odayaasha warbaahinta Somaliland iyo WeriyeSaleebaan Cabdi Cali oo ka mid ah suxufiyiinta jiilka cusub, waxaanaydhammaantood ka warameen doorka warbaahinta iyo sida loogu baahan yahay inxukuumad iyo saxaafadba dhinac looga soo wada jeesto danaha qaranka Somaliland.

Comments are closed