|

Kenya: Madaxweyne Uhuru oo magacaabay golihiisa Wasiirada iyo Haweenay Soomaaliyeed oo markii koowaad noqotay Wasiirka Khaarajiga

Nairobi Apr 23 (SDN)- Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenya ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay xubno hordhac u ah xukuumaddiisa cusub, wuxuuna magacaabay afar wasiir oo ay ku jirto haweenay Soomaaliyeed.

Madaxweyne Uhuru wuxuu afar wasiir oo cusub, kuwaasoo ka mid noqonaya gole 18 xubnood ah oo xukuumaddiisu ka koobnaan doonto.

Afarta wasiir oo kala ah; Khaarajiga, Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyada, Maaliyadda iyo Caafimaadka, kuwaasoo uu fiidkii ku dhawaaqay Madaxweyne Uhuru Kenya kadib markii uu ku guulaystay doorashadii March 2013 ka dhacay dalka Kenya.

Madaxweynuhu wuxuu wasiirka Khaarajiga u magacaabay haweenay Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Aamina Maxamed, taasoo xilal badan oo sarsare ka soo qabatay Qaramada Midoobay, dawladda Kenya iyo ururo caalami ah. Sidoo kale, wuxuu Dr Fred Oekngo Matiang’i u magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, halka uu Wasiirka Lacagta u magacaabay  Mr. Henry Rotich iyo Wasiirka Caafimaadka oo uu u magacaabay Mr. James Wainaina Macharia.

Haweenayda loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, waxay noqonaysaa haweenaydii u horaysay ee xilkaas ka qabata dalka Kenya, waxayna ahayd ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale, waxay haysay jagada ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEP).

Ambassador Amina Mohamed, waxay Kenya kasoo qabatay xilal ay ka mid yihiin; Danjiraha u fadhiya Qaramada Midoobay, waana haweenay aqoonyahanad ah oo Soomaali-Kenyaan ah.

Madaxweyne Uhuru wuxuu sheegay inuu beri iyo wixii ka dambeeya soo dhamaystiri doono golihiisa wasiirada, iyadoo uu xusay inay socdaan wada-tashiyo la xidhiidha xubnaha xukuumadda cusub ee uu magacaabayo.

Qurbejoog.com, Nairobi

 

Comments are closed