|

Shir lagaga Hadlayay Horumarinta Gobolka Hawd oo Balli Gubadle lagu Qabtay

Balli Gubadle 23.April (SDN) Shir lagaga hadlayo horumarinta waxbarashada Gobolka Hawd ayaa maanta ka qabsoomay xarunta maamulka Gobolkaasi ee Balligubadle.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan waxbarashada heer gobol iyo degmo iyo xubnaha maamulka gobolkaasi ayaa waxaa kaloo goobjoogayaal ka ahaa xubno ka socday hay’adda Al-Huda Islamic oo ka wakiil ah qurbojoogta Gobolkaasi ee ku dhaqan dalka Qatar .

Gudoonka waxbarashada Gobolka Hawd Maxamed Sheekh ayaa munaasabadaasi ka sheegay in waxbarashada gobolku soo martay  marxalado kala duwan maantana ay marayso meel aad u wanaagsan.

Mayorka magaalada Balligubadle Md Cabdi iimaan Jaamac oo isna halkaa ka hadlay ayaa ballanqaaday in ay Dawlad hoose ahaan dhiirrigelindoonaan tallaabo kasta oo lagu horumarinayo wabarashada Gobolka Hawd.

Badhasaabka gobolka Hawd Md Ibraahin Xasan Cali oo kulankasi hadal ka jeediyey waxa uu sheegay inay maamulka gobolku iyagoo kaashanaya dadweynaha ay dabooli doonaan waxii hawlah ee kaga soo beegnaata horuarintaguud ahaan tacliinta Gobolka ka socota.

Xubno ku hadlay magaca hay’adda Al-Huda islamic iyo waalidiinta ardayda ayaa iyana muujiyey taageerada ay la dhinac taagan yihiin waxbarashada iyo habsami u socodkeeda.

Balli Gubadle SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed