|

Wasiirka Caafimaadka oo Warbaahinta Kala hadlay Doorka ay ku leeyihiin Talaal aan dalka hore looga Fulin {DHAGAYSO}

Hargaysa 23.April (SDN)  Wasiirka wasaarada caafimaadka ee Somaliland DR. Xuseen Muxumed Maxamuud ayaa maanta kulan ku saabsan wacyigelinta talalaalka caruurta ee shanl aha ah ugu qabtay xarunta wasaarada caafimaadka ee magaalada Hargaysa hawlwadeeno ka tirsan warbaahinta kala duwan  ee Dalka.

Wasiirku waxa uu kulankaas kaga hadlay faaiidada uu  caafimaadka caruurta u leeyahay talaalka shanlaha ah oo uu sheegay inuu yahay mid dalkeena ku cusub kaas oo ka kooban talaalka shan cudur oo kala duwan oo khatar caafimaad  uleh caafimaadka carurta  kuwaas oo kala ah, Xiiqdheerta, Gawracatada, Teetanada, Joonis cadka  iyo Bagteeriyada sababta Oofwareenka iyo Qoorgooyaha.

Talaalkan ayaa waxa loogu talagalay in la gaaadhsiiyo caruurta da’doodu u dhaxayso lixtodobaad ilaa iyo kuwa gaadhay da’da  shanta sanadood.

Wasiirka caafimaadku waxa uu usoo jeediyay madaxda qaranaka ,hawlwadeenada caafimaadka. Warbaahinta iyo Bulshada qaybaheeda kala duwani ay ka qaybqaataan sidii talaakan oo qiimo badan ku fadhiyaa  ay bulshadeenu si haboon uga faaiidaysan lahaayeen isla markaana ugaadhi lahaa caruurtii loogu talagalay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirXoog(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed