|

Saraakiil Sar sare Oo Kenyan Ah Oo Shaqadii Ku waayay Amnidarada ka jirta Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Garissa April 23 2013 (SDN)— Waaxda dambi baarista ee Gaarissa iyo sagaal qof oo kale, oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan dowladda ayaa laga joojiyay howlihii ay hayeen kaddib markii looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falalka ammaan darrada ah ee ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Barki Kenya.

Booliska ayaa ku eedeeyay Ururka al-Shabaab iyo kooxo musuqmaasuq ku shaqeysta oo xiriir la leh ciidanka iyo qaar kamid ah ganacsatada deegaanka inay ka dambeeyaan dilalka.

“Qof waliba oo aan kaga shakino inay ku lug leeyihiin dhibaatada Kenya ka taagan,ha ahaado Mas’uul iyo kooxo kale sharciga dalka ayaa la marsiin doonaan,”ayuu yiri lagu yiri warbixin ay qortay Daily Nationka ka soo baxa Kenya.

Xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha dalka Kenya Mutea Iringo ayaa cadeeyay in sarkaal kasta oo lagu helo inuu xariir la leeyahay Al-shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga qaadi doono,wuxuuna Balan qaaday inay bixinayaan Abaal marin lacageed oo gaareysa 100,000 shillings ($1,200),oo ku aadan soo sheegida xog hogaamineysa in la soo helo shaqsiyaadkaasi loogu shakiyo inay xariir la leeyihiin falalka amaandari ee Kenya.

Magaalada Gaarisa iyo dhowr magaalo oo kale waxaa ka dhacay falal ka dhan ah ammaanka oo lagu dilay dad rayid ah iyo saraakiil ciidan.

Weerarada ayaa billowday October 2011 kadib markii ciidanka Malitariga dalka Kenya ay galeen Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Ururka Al-shabaab oo dowlada Soomaaliya ku kacsan.

 SDN-Garissa

Comments are closed