Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargaysa oo ka hadlay hawl gal biyo balaadhinta caasimada
Hargaysa 14.April (SDN) Maareeyaha wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa maanta Xafiiskiisa Xog-waran ku siiyey Xubno ka socda Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida somalilanad.
Maareeyuhu Waxa uu xubnahaasi xog-waran ka siiyey mashaariic ku saabsan dhinaca biyo ballaadhinta Magaalada Hargeysa. Mashaariicdaasi oo uu maareeyuhu sheegay in ay ka kala socdaan degaanada Geed-deeble, Hora-haadlay iyo Xaraf.
Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad, waxa uu sheegay in mashruucaasi ay ka mid yihiin Ceel-weyn oo laga qodayo Geed-deeble, saddex ceel oo kalena laga qodaayo Hora-haadlay, kuwaasi oo uu sheegay in dhawaan la gaadhsiin doono beebabkii biyaha ka soo qaadi lahaa ceelashaasi soona gaadhsiin doona magaalada Hargaysa.
Mud,Ibraahin Yoonis waxa uu intaa raaciyey in mashruuca Biyaha ee Xaraf ay dhamaatay howshiisa intii bad-nayd uguna mudnayd, dhawaana aanu gayn doono ayuu yidhi Beebabkii biyaha ,waxaanuu maareeyuhu xusay in mashruucaasi waraabin doono Xaafada Ayax Kow, Ayax Laba iyo Xaafada sh. Cumar ee magaalada Hargaysa.
Mareeyaha Wakaaladda Biyaha waxa uu intaa ku daray In ay jiraan sahamo kale oo dhinaca Biya balaadhinta caasimada loogu tala galay, sahamadaasina ay ka socdaan ayuu yidhi maareeyuhu Degaamada Jaleelo iyo Xunba-weyne..Xubnaha Golaha Guurtida ka socday ayaa iyana dhinacooda uga mahad celiyey Maareeyaha sida wanaagsan ee uu u siiyey xog-warankaa, waxaanay tilmaameen inay si wanaagsan ugu qanceen war-bixintaasi uu siiyey.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com