Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay
Muqdisho April 14 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo noqday kuwaasi oo kasoo duulay dalka Turkiga.
Xasan Sheekh ayaa dalka Turkiga kaga soo qeybgalay shir ay heshiis ku kala saxiixdeen maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Soomaaliya.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisa uu dalka dib ugu soo noqday waxaa ku wehlinaya Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada.
Garoonka Muqdisho ayaa si qurux badan Madaxweynaha loogu soo dhaweeyay,iyadoo uu halkaasi saxaafada kula hadlay wasiirka arimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in heshiis todobo qodob ka kooban ay kala saxiixdeen Soomaaliland heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay mid guul ah oo hourmar horseedaya.
Aqalka madaxtooyada ayaa loo galbiyay Madaxweynaha Soomaaliya.
SDN-MuqdishoÂ