Madaxweynahayaasha Somalia iyo Somaliland oo faah faahin ka bixiyay kulankii Ankara ay ku yeesheen
Ankara Apr 14 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa faah-faahin ka kala bixiyay wadahadalada udhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in wadahadalka meel fiican uu marayo uuna sii socon doono natiijadana ay tahay inay soo baxaan waxyaabo miradhal ah oo shacabka Soomaaliyeed anfacaayo.
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in ujeedka wadahadalka iyo heshiiska ay wada saxiixdeen uu yahay in lagawada shaqeeyo arimaha ammaanka iyo horumarka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in wadahadalka Dowladda Soomaaliya ay la galeen ay tahay faa’iidada ugu jirta maamulka Soomaaliland inay soo bandhigaan doonista madaxbanaanida Soomaaliland,isaga oo sheegay in arimaha ammaanka ay kawada hadleen iyo isu gudbinta burcad badeeda Soomaalida.
Heshiiskaan ku dhexmaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Soomaaliya ayaa horudhac unoqonaya heshiiyo kale iyo shirar kala duwan oo ay isugu imaan doonaan labada dhinac.