Maxkamad ku taal dalka Japan oo Burcad badeed xarig dheer ku riday
Tokiyo April 14,2012(SDN)-Maxkamad ku taal Japan ayaa nin Soomaali ah ku riday xukun dheer ka dib kolkii ay ku cadaatay in uu qeyb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagu qafaasho markab ah kuwa qaada shidaalka.
Ninkan oo kolka sharciga Japan la eego ahaa da’yar kolkii uu denbiga galay bishii March sanadii 2011kii ayaa haatan waxa ay maxkamudu ku riday xukun 11 sanadood ah.
Maxkamada ayaa hore xukuno kala duwan hore ugu riday burcad badeed tiradoodu ay tahay afar oo laga soo qabtay xeebaha dalka Cumaan isku dayga afduubka dabadii.
Maxkamada ayaa xiligii ay dacwada dhegeysaneysay waxa ay isticmaashay dhawr turjubaan oo mar ka hore luuqada Japaneseka English u turjunta,ka dibna Soomaali loo sii turjumo.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa ugaadhsigii ay ku hayeen Maraakiibta isaga gooshta xeebaha Soomaaliya kulaala uu aad hoos ugu dhacay ka dib kolkii caalamku uu ciidamo hubeysan ku soo daadgureeyay badaha Soomaaliya.
SDN-Tokiyo
contact@somalidiasporanews.com