Wada hadalkii Turkiga oo Maraya Marxalad Gabo gabo ah iyo Qodobada la isku Mari Waayay
Turkish 13.April (SDN) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta kulan fool-ka fool ah,Waxay Markii u horaysay ku yeesheen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, iyagoo ka wada Xaajoonaya Xidhiidhka labada dal ee mustaqbalkooda.
Shirkan oo ay marti-gelisay dawladda Turkigu waxa shirka labada madaxweyne goob joog ka ahaa oo fududeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Ahmed Davutogle.
Inkasta oo aanu Jirin War rasmi ah oo ka soo baxay Wada Xaajoodyadan laba Geesoodka ah ayaa hadana lagu soo Waramayaa inay labada Madaxweyne ay Kulankaas kaga wada hadleen iskaashiga dhinaca nabad-gelyada, qeybsiga deeqaha iyo in mabda’ ahaan la sii wado wada xaajoodka labada geesood.
Labada Madaxweyne Somaliland iyo Soomaaliya markii ay ka soo baxeen kulankoodii u horeeyay waxay u kicitimeen xarunta madaxtooyadda Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül iyo Raysal wasaaraha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.
Waxa kale oo lagu wadaa in galabta la qabto shir loo dhan yahay oo ay ka wada qeyb geli doonaan labada madaxweyne iyo wufuudii ay kala hoggaaminayeen.
Wada hadaladan Ankara waxa ka horeeyay kulan ay yeesheen Guddi isku dhaf ah oo ka kooban toban xubnood oo ka kala socday labada dawladood oo khamiistii kulan ku yeeshay magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga.
Wararka ka soo Baxaya Kulamadii labada Gudi ee diyaarinayasay Ajandaha ay labada Madaxweyne ka wada hadlayeen ayaa la sheegay inay ku kala fogaadeen sidii ay Meel isula dhigi lahaayeen Qodobada ku saabsan Midnimo oo ay ku doodayaan Ergada dhinaca Somalia halka dhigooda Somaliland ay iyana Madasha ku soo bandhigeen in la gaadhay Xiligii laga Wada hadli lahaa Madax banaanida Somaliland iyo inay ku Qancaan Hogaanka Somalia Qadiyada Gooni isu taaga Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa Saacadaha soo socda la filayaa inay labada Madaxweyne Qalinka ku duugaan War Murtiyeed Nuxurkiisa lagu sheegay Qodobada laga Midaysan yahay.
Turkish SDN.
qurbejoog.com