|

Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta Hargaysa ku Qabtay Barnaamij ku saabsan wada tashi la xidhiidha arimaha deegaanka ee Heer Qaran

Hargasya 13.April  (SDN)  Kullankan oo ay ka soo qaybgaleen ardayda Jaamacada Hargaysa , hay’adaaha ka hawlgala arimaha deegaanka, wasaarada degaanka , Gudoomiyaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee Nerad iyo xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland.

Hadal uu kulankaas ka jeediyay Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golahaasi Dr. Cali Yuusuf Axmed  ayaa uga mahadnaqay  gudiga Arimaha degaanka ee golaha wakiilada kormeer shaqo oo laxidhiidha arimaha degaanka oo ay kusoo mareen  gobolada Dalka, iyo HAYADA IRA oo iyadu gacan ka gaysatay  hawlgalkaas xildhibaanada waxaana uu ku dheeraaday ilaallinta degaanka iyo duurjoogtu qiimaha ay dalka u leeyihiin  .

Waxa kale oo kulnkaas ka hadlay Gudoomiyaha Guddi hoosaadka arimaha degaanka ee golaha wakiilada md. Siciid  maxamed cilmi waxaana uu sheegay in ay isla qaateen Hayada  IRA in ay qiimqyn kusoo sameeyaan heerka degaankeenu maanta maray o.iyada oo nolasheenu ku xidhantahay degaanka in ay lagama maarmaantahay qaran ahaan iyo qof ahaanba in loo soowada jeedsado sidii daryeelkiisa wadajir looga hawlgelin lahaa .

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe ayaa kulankaas kasoo jeediyay warbixin faahfaahsan oo uu kaga hadlay xogihii ay kasoo uririyeen arimaha degaanka ee gobaladii ay hawlgalkooda ay ku soo mareen , taasoo uu sheegay inay ka tarjumayso marxalada degaankeena ee xiligan.

Gudoomiyaha Haya’ada Nerad  DR. maxamed muuse cawaale  ayaa kulankaas kasoo jeediyay macluumaad balaadhan oo ku saabsan degaanka iyo daryeelkiisa, isaga oo ardayda jaamacada Hargaysa ee kulankaas ka soo qayb gashayna ku boorriyey inay ka faa’iidaystaan dadka ku xeel dheer aqoonta deegaanka.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed