Xasan Sheekh: Waa Soconayaa Dagaalka Ilaan Aan Ka Nabadeyno Soomaaliya
Muqdisho April 13 2013 (SDN)– Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka uu socon doono ilaa ciidamadooda ay hantaan ammaanka dalka Soomaaliya guud ahaana Shabaab laga saaro dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in si ay u guulaystaan ay lagama maarmaan tahay inay joogteeyaan dagaalka ay kula jiraan waxa uu ku sheegay argagixisada iyo inay sugaan ammaanka taas oo hada uu xusay inay u istaageen guud ahaan Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka qalabka sida ee dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhinaca kale sheegay in xooga saari doono sidii ay u bari lahaayeen ciidamada xirfadaha ay ka mid yihiin dhowrista xuquuqda aadanaha oo tababar waliba uu sheegay in uu qeyb weyn ka ahaan doono.
Tababarida ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee gudaha ayuu sheegay inay ku dadaali doonaan si ciidanka uu unoqdo kuwa tayo leh oo xeelado dagaal oo cusub lasoo baxa
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan ka jeediyay isaga oo ka qeybgalaye xaflada 53-sanado guuradii kasoo wareegatay aas-aaska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo shalay laga xusay Magaalada Muqdisho iyo Gobalada dalka Soomaaliya qaarkood.