Obama oo Mudo sheegayay in Canshuuraha lagu kordhiyo Maalqabeenada oo qudhiisa qirtay in Canshuur hooseeysa uu bixiyo
Washington April 13,2013(SDN)-Qoyska madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sanadii 2012dii dekhligoodu hoos u dhac weyni uu ku yimi sida ku cad canshuur celin ay sameeyeen sanadkan.
Dakhliga soo galay qoyska madaxweynaha sanadkii ina dhaafay ayaa ay ku sheegeen in uu ahaa $608,61,waxaaney canshuur ahaan u bixiyeen $112,214.
Dakhliga Obama ayaa u badnaa lacago uga soo xarooday iibka dhawr buug oo uu qoray oo aan sidii uu filayay in aduun intan ka badani ka soo galo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaata mushahar dhan $400,00 sanad walba.
Obama ayaa dawlada Mareykanka u celiyay canshuur aad iyo aad u hosseysa oo oo dhan 30%.
Aqalka cad ayaa ka dib kolkii arintani ay soo shaac baxday war uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo canshuuraha uu madaxweynuhu bixiyo sanadka dabayaaqadiisa.
Madaxweyne Obama ayaa sanadii ina dhaaftay ololihii doorashooyinka waxa uu ku galay in canshuur kordhin lagu sameeyo dadka dakhligoodu uu ka sareeyo $250,000 sanadkii.
Qorshahaas oo xisbiga Jamhuuriga iyo dadka dakhligoodu sareeyo ay hirgelintiisa walaac ka muujiyeen.
Xogtan ka warameysa dekhliga madaxweynaha iyo canshuuraha ku waajibay ayaa soo shaac baxday iyada oo maalmo uun ay ka hadhsan yihiin April 15keeda oo ah maalinta u danbeysa ee sharciyan ay tahay cid waliba in Mareykanka ay xareeyso canshuuraha.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com