|

Hargeysa:Xusuusta Taariikhda Ummadeed iyo Maanta maalinteedii iyo sanadii 1983dii

Hargeysa April 12,2013(SDN)-Waxa maanta oo kale Hargeysa sanadii 1983dii ay Hargeysi ku waaberiisatay dareen ka duwan ta maanta,maanta Hargeysi waxa ay waxwaliba u socdaan sida caasimadaha kale ee caalmaka ee nasiibka u yeeshay muwaadinoontoodu ay bed-qab aroor walba ku toosaan iyaga oon maanka ku heyn wax ka baxsan meel saarka nolol maalmeedkooda.

Sanadihii sideedmaadka ayaase Hargeysi la seexin jiray toosina jirtay tiyoo dhegta u taageysa waxa ay maalintaasi iyo xukuumadii keeb la yuurarka aheyd ee militerigu ay la iman doonaan.

Maanta oo kale Hargesi waxa ay ku toostay tiyoo anfariir saaid ahi ka muuqdo ciidamadii Gaani ee magaalada ku amar kutaagleynayay,ka dib hawlgal mucjiso ah oo lagula baxay mujaahid ka mid ahaa Urirkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM.

Sarkaalka la baxay oo ahaa AUN Cabdilaahi Askar waxa uu ku xirnaa xaruntii Miiska Saraakiisha.

Hawgalkii lagula baxayna waxa hogaaminayay Eeebe Naxariistiisii jano haka waraabiyee Mujaahid Ibraahim Ismaciil Koodbuur oo ay weheliyeen ciidan ka kkobnaa 11 askari.

Hadal heynta maanta iyo inta aanu maankoodu maalintan ka bixin ayaa waxa dhacdadaasi u tahay asaaskii iyo dardar gelintii la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Waa qiso iyo taariikh ummadeed kuwooda ugu muhiimsan weyneyn dheeri ah uga baahan gidi inta ay nololshooda iyo wacyiga ay ku nool yihiinba wax ka bedeshay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed