Qaramada Midoobay Oo Ka Dalbaday Hay’adaha Caalamiga Taageerada Soomaaliya
Nairobi April 11 2013 (SDN)— Qaramada Midoobay ayaa maalintii shalay ka dalbaday hayadaha caalamiga inay sii kordhiyaan taageerada dhanka meletarigga iyo siyaasada si horumar loogu gaaro amanka dalka Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr Augustine Mahiga ayaa sheegay in muddo labaatan sano oo Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin dagaal iyo xali soono daro ka dib iminka amaanka uu wanaagsanaanayo magaalada iyo Muqdisho iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka mid ah.
Isaga oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania ayuu sheegay Mahiga in Soomaaliya in amni daradii Soomaaliya guul laga gaaray markii dagaal lala galay dadka nabad diidka sida uu hadalka u dhigay sidoo kalana laga guuleystay burcad badeedii.
Wuxuu sheegay in ciidamada Burundi iyo Ugana oo qeyb ka ah AMISOM ay ka saaraan Muqdisho iyo gobolada dalka qaar Alshabaab, isagoo ku aamanay doorkii ciidamada.
Mahiga ayaa xusay in dalka Soomaaliya iminka horumar uu ku talaabsanayo islamarkaana ay muhiim tahay wax u qabshada dadka ku dhibaateysan dalka Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka hadlay shirka todobada May ka furmaya magaalada London ayuu sheegay inuu yahay mid lagu dhex dhexaadinayo arimaha Soomaaliya, isagoo ku baaqay in shirkaasi laga soo saaro natiijo anfaceysa shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Soomaaliya iminka ay u baahan tahay gargaar dhanka bini’aadanimada ah iyo taageero dhanka ciidamada meletariga ah si ay iyaga u hantaan amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.
Wuxuu kale sheegay in dhanka waxbarashada , caafimaadka iyo biyaha ay haboon tahay in laga taageero dalka Soomaaliya.
SDN-Nairobi