|

Hogaanka Kulmiye oo mar kale hab beeleed lagu soo xulayo

Hargeysa April 12,2013(SDN)-Xisbiga Kulmiye ayaa mar kale hogaankiisa muranku hareeyay waxa lagu xulayaa hab beeleed lidi ku ah Dimuqraadiyada Somaliland.

Xisbiga Kulmiye ayaa tiyoo lidi ku ah Dastuurka dalka in hab beeleed hogaanka axsaabta dalka lagu xulo waxa uu degmeda Garadag sanadii 2008dii ku qabtay shir lagu mideynayo siyaasiyiinta Beesha Bariga Burco ee kolkaa ku kala jiray axsaabta dalka.

Talaabadaasi waxa ay keentay in siyaasiyiintii Beesha Bariga Burco iyaga oo ku jira labada xisbi ee UCID,UDUB iyo golleyaasha Qaran in ay hadana si toos ah iyo si dadbanba ugu ololeeyaan xisbiga Kulmiye.

Iminkana waxa Beesha Galbeedka Hargeysa Salaadiintoodu iclaamiyeen Shir beeleed lagu kala saarayo siyaasiyiin beeshaa ka soo jeeda oo hogaanka xisbiga Kulmiye ku loolamaya.

Salaadiintu waxa ay sheegeen in Shirku aanu wax dhibaato ah dalka u leheyn oo uun uu yahay mid wada tashi.

Waxaase sida muuqata ujjeedada shirku yahay in lagu kala reebayo siyaasiyiinta Muuse Biixi Cabdi oo haatan ah guddoomiyaha Kulmiye iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Xubnaha golleyaasha dhexe iyo ka Fulineed iyo taageereyaasha xisbiga Kulmiye oo ay aheyd in ay iyagu doortaan hogaanka xisbiga ayaa haatan amuusnaan ku daawanaya in hawshii loo igmaday ay si beeleysan cid kale u qabaneyso.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed