|

Qaladka Xisbiyada Waddani iyo UCID

Horaa Loo Yidhi Ilaahayow Haa iyo Maya hanaga wadda yeedhsiin. Waxa aan aad ula yaabay Guddiga arimaha dibadda ee Waddani oo sheegtay inay sababeen guul markii ay qaadaceen shirkii Turkiga markii hore, waxaanay ku sababeeyeen in qayladoodii ay wax tartay oo shirkii uu mugdiga ka baxay waa sida ay hadalka u dhigeene. Horta bal anagaa idin maqalnaye aamusa oo guul ha sheeganani, wixiinii siyaasad muu ahayne wuxuu ahaa Batalaqsi. Maadama hore loo yidhi “Ilaahayoow haa iyo maya” meelna hanagagga wadda yeedhsiin. Horta xisbiggan Waddani jaah-wareerbaaba ka muuqda iska daa faane.
Kolay anigu maan jeclayn in Xisbigga UCID isaga qudhiisu uu taggo shirka Turkiga runtiina Faysal Cali Waraabe wuu deg-degay dawladdana wuu hor cararay isaga laftigiisu oo lahaa aniga i aamina, oo faysaloow sidee maqaamkii ummadda keligaa laguugu aaminaa, mee musharaxii Xisbigu isaga ayeey UCID ku badbaadaye waana sababta qudha ee aad Faysaloow xisbigga ula socotid. Waxaan jeclaa in dawladda loo daayo arrimahan shirarkan oo fadeexadoodu ay iyaga dul sudhan tahay. Runtii maanta in halkii ictiraaf laga sugaayey inay shirarka dawladda Soomaaliya oo aan Muqdisho ka talin inay hoos yimaaddeen. Mee ictiraafkii yaa Rabbi.
Cali Cabdi-USA
aabdi1960@gmail.com

Comments are closed