|

Taliska Ammaanka Kismaayo Oo Xaalada Ammaan Magaaladaasi Ka Hadlay

Kismaayo April 11 2013 (SDN)— Taliska ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa ka hadlay sida uu yahay ammaanka Magaalada Kismaayo oo maalmahan dambe amnidaro aan sidaas u buurneyn laga soo sheegaye.

Maxamuud Qaalib taliyaha ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka Magalaada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ka jirin.

Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayuu sheegay in tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen Kismaayo ammaanka Magaalada ay ka dhigeen mid wanaagsan oo dhibaato aan ka imaanin.

“Cid waliba oo ammaanka qal-qalgelinaysa gacanta ayaan ku dhigaynaa ciidamadeena heegan ayeey uyihiin”Sidaasi waxaa yiri Taliyaha ammaanka Magaalada Kismaayo ee maamulka KMG.

Kismaayo oo hada uu ka socda shirka Jubbaland ayaa maalmahan waxaa lasoo warinaye in gacanta lagu dhigay haween doonaye inay isqarxiyaan iyo kuwa raba in ergada raashinka sun ugu daraan.

SDN-Kismaayo

Comments are closed