|

Cabdicasiis Maxamed Diiriye”Maxkamadii aanu Cali Samatar kaga guuleysanay waxaa u soo gurmaday dawlada Soomaaliya,waxaanu inana u baahanahay in Shicibka iyo Dawlada Somaliland ay noo soo gurmadaan(DHEGEYSO)

Seattle April 11,2013(SDN)-Cabdiaziz Maxamed Diiriye waxa uu ka mid yahay dhibenaal dhawr ah oo Mareykanka ku dacwadeeyay Gen Maxamed Cali Samatar Raiisul Wasaarihii hore ee Soomalaiya isla markaana ahaa Wasiirkii hore ee gashaandhiga dawladii Gen Maxamed Siyaas Bare.

Maxkamad ku taal Virginia  ayaa Cali Samatar uu ka hor qirtay denbiyadii dagaal ee loo heystay isla markaana ay Maxkamadii ku riday xukun magdhaw ah oo gaaraya 21 million oo dollar.

Cabdicasiis Maxamed Diiriye ayaa nooga waramay xaaladihii u danbeeyay ee ku soo biiray dacwada iyo taageero uu sheegay in haatan looga baahan yahay dawlada iyo shicibka reer Somaliland.

Sidoo kale Cabdicasiis waxa uu ka waramayaa Shirkada Glover Park Group oo dhawaan heshiis u dhexmaray Somaliland,shirkada oo ka hawlgelidoonta sidii dunida loogu soo bandhigi lahaa qadiyada Somaliland.

Balse qeybta hore ee Wareysiga waxa uu Cabdicasiis Maxamed Diiriye uu ka waramayaa xaaladihii u danbeeyay ee ku soo biiray dacwadii dhibenaasha iyo Gen Maxamed Cali Samatar u dhexeysay.

Halkan Gujji si aad u bogato Cabdicasiis Maxamed oo ka waramaya Heshiiska dhawaan dhexmaray Shirkada Glover Park Group iyo Somaliland

HALKAN GUJJI SI AAD UGA BOGATO WAREYSIGA CABDICASIIS MAXAMED DIIRIYE OO KA WARAMAYA HESHIIS DHAWAAN DHEXMARAY SHIRKAD QADIYADA SOMALILAND MAREYKANKA KA IIBINEYS

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/aziz1.MP3″]

HALKAN GUJJI SI AAD UGA BOGATO WAREYSIGA CABDICASIIS MAXAMED DIIRIYE

SDN- Seattle

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed