Taliyaha Ciidanka Booliska oo Sheegay inay Xabsiyada u Taxaabeen Dhalinyaro falal nabadgalyo daro ka abuura Caasimada Hargaysa
Hargaysa 10.April (SDN) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa galabta daboolka ka qaaday inay hawl galo ay Ciidanka boolisku habeenadii u danbeeyay wadeen ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan isla markaana Xukuno kala duwan ay Maxkamadu ku riday Dhalinyaro ay ku cadaadeen Danbiyo kala duwan.
Taliyaha oo khadka Telefoonka noogu Waramayay Waxaa kale oo uu sheegay in afar iyo labaatankii Saacadood ee u danbeeyay ay Gacanta ku dhigeen boqol iyo Kow iyo Sodon qof oo lagu soo qabtay falal kala duwan kuwaas oo isugu jira Tuugta Waaweyn,Dhalinyaro habeenkii isaga hor yimaada iyagoo kooxo ah ka sameeya Caasimada.
Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan waxa uu ka dalbaday Waalidiinta Caruurtan dhashay inay la socdaan Dhaqdhaqaaqa caruurtooda isla markaana waxa uu shacabka u jeediyay inay Ciidamada amaaanka ku gacan siiyaan hawlaha nabadgalyada isagoo intaas ku daray inay gacan bir ah ku qaban doonaan Cid kasta oo Khatar ku ah nabadgalyada.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com