Hayin lagu Badhaadhaay,Hogol lagu Qaboobaay. Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey, Hiddo lagu Arooraay !!!! FAALO QIIMAHA HAWEENKA
(KampalaSDN) Sida dhaqankeena suubani ina farayo waxa aad uu adkayd in gabadh ama marwo wax laga sheeko qaab kasta oo ay thy ragi horana ay xaaran ka ahyd ama arin kaasi uu keeni jiray ,in lagu kala qaato xaal gola jooga iyo qaabAB badan oo kala duwan ,hadabo waxa sabanadan danbe iska caadi noqotay ama wax aan lagaba xishon in marwo ama gabadh layska aflagadeeyo iyado dadka qaar kuba macneyaan saban xumaadka dhacay somali meel ay joogtaba .
Wax walo dhacana haday tahay colaad ,dagaal ama waxaan loo miidan dayin oo umad,bulsho, ama reer biri ma gaydo ahyd in si fudud cirdiga hooyooyinka wax laga sheego FAGAARE wax laga sheego iska daayo
Hadabo marwo la caaya halka ay somalida kaga jirtayba ha inoo danbayse bal aan marka hore qiimah ay gabadh, marwo, hooyo, inani leedhy kuna danbayso aan dhowr tuduc oo abwaankeena weyn hadraawi leyhy kuyara dulnaso waxaan ka mid ah sidan baydadkan
Siday talo kaaga hoostay
Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hiloga naftaa aloosan
Kashaa hinqanaysa goorba’an
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weyney
Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa
Hangool li’idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey
Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga
Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku hallaysay mooyi!
Halyeynnimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusayne
Intaan kugu hawlo-daaley
Intaan kugu hoodo-sheegtay
Intaan hebla’ kuugu faanay
Hilaado fog bay lahayde
Inaan hafarkaaga qaato
Sidaad ku heshaa da’ weyne
Adiyo habigaaga mooyi!
Habaaska inaad cantuugto
Adoo hanadaan ka dooratay
Xaggayga hibaan ku saaray
Anigu ku habaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa
Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay
Inaanay hadhayn yiqiinso!
Hawaala adduun rabbaa og
Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer
Hadhow iyo tii hadhow
Hoosiyo sare tii ku raacda
Anuunbaa hooyadaaya.
Abawaan hadraawi waxa uu si layaab leh uu suureyey ama tilmaamay gabadh kasta am inan kasta oo hooyo ku danbayndoonta siday dhibta iyo haydarada ay la soo marto waxay dhasho hooyo kastana hadii aanay cidkasta hooyadood ahyd qoys kale ayuunbay hooyadood thy,sida uu abwaanku uu suuraynaya qof kasta oo maqla ama khriya waa ilmaynaya oo muusoonayo ,waanay adkanaysa in wax xun loo quudho ama food saaro laga dhigto,waxany daliil cad iyo xasuusin uu thy cida hooyinka wax ka sheegta inay xasuus uu thy qormadeenani inay hooyooyinku bulshad somaliyeed ama calamkaba ay thy wax xurmo inag mudan .
Hadii aan mar labad isyara xasuusino hees kale oo qiimo weyn leh oo uu ku luuqeeyo mohamed saleeban tubec oo uu hadrawi sameyey aya aiyan waxay thy, qiimah ay hooyo ledhy iyo inay dhalan ama ay yihiin warshad soo saar haldoorka iyo ninka raga wax walo horumar ah kan danbeeyan guusha nin ragi gaadho .
Heestan waxa midhaheeda ka mid ah sidan
Hooyooy La,aantaa Higgaad lama Barteenoo.
Hooyooy La,aantaa Hadal lama kareenoo.
Ruuxaadan Habinoo kolba aadan Heesiyo,
Hoobay ku Sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadimaayee.
Hooyoy Taftaadaa Dugsi laga helaayoo.
Hooyoy Dhabtaadaa Hurdo lagu Gam’aayoo.
Hooyoy Dushaadaa Nabad lagu Helaayoo.
Waxa lagu Halmaalaa Hooyo Ababintaadee.
Hayin lagu Baraaraay,Hogol lagu Qaboobaay.
Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey,
Hiddo lagu Arooraay !!!!
Inta aad Hooyo Nooshahay Hambalyo Salaan baan
Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo Xaqdhawr baan
Dusha kaa huwinayaa, Hooyo Dhimashadaaduna
Hoogeyga waayee,waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo Laabtaan kugu haynayaayoo !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Hangal baan u xirayaa inta haada duushiyo idil habar dugaageed
IFKA HIBO KU NOOLOOW AAKHIRO HALKII ROON.
Qormadeenan waxa aan ku soo qadanay qiima hooyooyinku leyihiin ,waxaan is xasuusinayna inaan kor iyo hoosba uu ogaano qiimah ay inagu ledhy hooyadu ,inaan wax dhiba loo quudhin .
Qormadaneena waxaan ku soo afmeerayna .
Siday talo kaaga hoostay
Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hiloga naftaa aloosan
Kashaa hinqanaysa goorba’an
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weyney
Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa
Hangool li’idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey
Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga
Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku hallaysay mooyi!
Aan ka dhowrsanao wax walo hooyooyinka ku deel qaaf ah
Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey,
Hiddo lagu Arooraay !!!!
WABILAAHI TOWFIIQ
WARIYE KAHADAR BITIJOOR
+256791661106
OFFICE UGANDHA SDNNEWS