Iska Hor imaad ka dhacay Duleedka Burco oo laba ruux oo Midi askari yahay ku geeriyoodeen
Burco 10.April (SDN) Laba qof ayaa ku dhintay maanta kadib markii ay tacshiirado ay isweydaarsadeen ciidamada amaanka saddex nin oo dablay ah duleedka koonfur \galbeed ee magaalada Burco.
Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Aw-Daahir oo u waramaayey warbaahinta ayaa sheegay in kadib markii ay ka soo laabteen dhagax dhiga mashruuc la xidhiidha xanaanada xoolaha ee degaanka Kabadheere ay saddex nin oo dablay ahi ay rasaas isku weydaarsadeen ciidamada amaanka ee wehelinaayey wasiirka iyo gudoomiyaha gobolka togdheer , halkaasina uu ku geeriyooday hal askari o katirsanaa ciidanka booliska iyo mid ka tirsanaa dablaydaasi,
Waxaanu wasiirku intaasi ku daray in goobtaasi gacanta lagu dhigay mid katirsanaaa dablaydaasi halka midkii kalena uu baxsaday.
Mudane cabdi Aw Daahir waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladii u kabaxay marxuunkaasi ka tirsanaa ciidamada boolisku.
Dhinaca kalena taliyaha ciidanka booliska Somalilanda janaraal Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka tacsiyadeyey ciidanka booliska askarikaasi ku geeriyooday falkaasi, waxaanu shacbiga ku boriyey in ay xoojiyaan xidhiidhka wadashaqeyneyd ee ay la leeyihin booliska.
Burco SDN.
qurbejoog.com