|

Hay’ada Action Aid noo Soo bandhigtay Waxqabadka Istiraatijiyadeeda Mudada Shanta Sanno

Hargaysa 10.April (SDN)   Wasiirka wasaarada Beeraha Mud,Faarax Cilmi Geedoole, ayaa maanta ka qayb galay,Xaflad lagu daah-furayey  wax-qabadka Istiraatijiyada ay yeelan-doonto Hay’adda  Action Aid ee shanta sanadood ee soo socda, laguna qabtay  Huteel maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xaflada oo ay ka soo qayb galeen, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr, Sacad cali shire,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabilay, Agaasimaha Guud ee Wasaarada  Madaxtooyada, Agaasimaha Guud  ee TacliintA sare ee wasaarada waxbarashada,Agaasimaha  samafalka ee Wasaarada dib-u-dejinta. Waxa ugu  horayn halkaas  ka hadlay Wasiirka Beeraha Mud, faarax Cilmi Geedoole, Waxaanuu sheegay in ay hay’adda Action Aid aad ugu mahad-naqayaan, iyada oo ka mid ah  ayuu yidhi wasiirku hay’adaha ku xidhan  xukuumadda, lana soo shaqaynaysay dalka tan iyo intii uu xorriyadiisa la soo noqday.

Mud, Geedoole, waxa uu tilmaan ka bixiyey howlaha ay hay’adu ay ka qabato dalka,isaga oo xusay inay hay’adu  gacan ka gaysato dhinacyada, Beeraha, Wax-barashada iyo Biyaha.Waxaanuu soo jeesdiyey wasiirku in loo baahan yahay in ay hay’aduhu  guud ahaan marka ay barnaamijkooda waxqabad ee dalka dejinayaan aanu noqon mid ay iyagu gaarkooda u dejiyaan halka ay doonaana ay mariyaan balse sida hay’adan oo kale ay soo bandhigaan.Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Dr, Sacad cali shire,Waxaanuu sheegay in hay’adani  ay tahay hay’adihii ugu horeeyey ee dalka yimaada, howlaha ay ka qabato dalkana ay yihiin  howlo muhiim ah oo wax-tar iyo faa’iidoba u leh Bulshada.waxaanuu wasiirku xusay in hay’adani ay tahay  hay’ad la jaan-qaaday qorshahii qaranka,taasna ay  ku amaanan tahay.

Agaasimaha Hay’adda Action Aid Marwo,Sacdiya Cabdi Caalin,ayaa iyana halkaasi ka soo jeedisay maraaxilkii ay hay’adani soo martay mudadii ay dalka S/land kahawl-gelaysay, waxaanay xustay inay hay’adani tahay mid qorshaheeda ku salaysa somaaliland oo dalkana aqoonsan.waxaanay Agaasimuhu intaa raacisay inay hay’adoodu ka hawl-gasho saddexda Gobol ee T/dheer,Sool iyo Sanaag oo ay dhinaca wax-barashada  waxka qabato.iyada oo dhinacyada beeraha iyo biyahana ay gacan ka gaystaan. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xidhiidhiyaha Africa ugu qaabilsan Hay’adda  Action Aid ,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabilay iyo Gudoomiyaha Ururka Waapo.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

 

Comments are closed