Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha oo waqti u qabtay ajaanibta ku sugan Muqdisho
Muqdisho April 10 2013 (SDN)— Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya C/laahi maxamed gaafoow ayaa Shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay ajaanibta dalka ugu sugan sida sharci darada ah.
Jeneral Gaafoow ayaa sheegay in mudo 12 cisho ay u qabteen ajaanibta aan haysan sharciga inay kaga baxaan dalka hadii kalana ay xirayaan.
Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ajaanibta sharciga haysta iyo kuwa la shaqeeya AMISOM loo ogal yahay dalka bals aysan ogalaanenin kuwa kale.
Soomaaliya ayaa la aamisan yahay in ay ku sugan yihiin ajaanib la shaqeysa dhinacyada isku haya dalka sida dowladda iyo Al Shabaab.
SDN-Muqdisho