Diiwaangelintii ay Fulisay Hay’ada UNFPA oo Xukuumada Somaliland Hakisay Waa Maxay Sababtu {DHAGAYSO Wasiirka Qorshaynta}
Hargaysa 10.April (SDN) Wasiirka Qorshaynta qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay Somaliland hakisay wejiga 1aad ee mashruuc lagu tira koobayey dadka ku dhaqan Somaliland,kaas oo ay Waday Hay’ada UNFPA isla markaana ay ka soo baxday Tiro ka duwan tiradii la filayay.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali shire, oo la hadlayey war-baahinta ayaa Sheegay in Wasaarada Qorshaynta Qaranku ay u xilsaaran tahay inay hesho Xog-ururin rasmi ah, sidaas darteedna ay hay’adaha caalamiga ah ka codsadeen in ay ka caawiyaan Xog-ururin lagu samaynayo dadka.waxaanuu xusay inay hay’adda UNFPA ay arinkaa ka aqbashay.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in xog-ururintani ay ahayd sahan lagu qiyaasayo sidii loo heli lahaa tira koob dhab ah,taasi oo laga sameeyey Somaliland, iyo somaliya.waxaanuu sheegay in Somaliland sahankan laga Sameeyay dhinaca Guryaha ,halka Dhinaca Somaliyana loo tiriyay Qoys ahaan .
Waxa kale oo iyana arintaasi ka hadlay masuuliyiin ka tirsan hay’ada UNFPA waxaanay sheegeen in arintaasi ay qoreen war-baahinta madaxa banaani ay tahay mid aan dhab ahayn .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DrSacad.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com