Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya
(Nairobi,Kenya, April, 10, 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ka qeyb galay munaasabadda lagu caleema saaray Madaxweynaha cusub ee Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Mudane William Ruto.
Mar uu ka hadlay qaxootiga ayuu yiri“ Qaxooti fara badan oo Soomaali ah ayaa ku nool dalalka caalamka, waxaana naga go’an in aan ka shaqeeyno in ay dadkaas dalkooda dib ugu soo laabtaan”
Shirkan ayaa waxaa laysku soo qaaday qaabkii loo hormarin lahaa xiriirka labadda dal.Waxaana isla goobtaas lagu go’aamiyay in la dar-dar geliyo heshiiskii ahaa Joint Cooperation Committee (JCC) oo hadda ka hor labadda dal ku heshiyeen.
Ugu danbeyntii labada masuul ayaa isku raacay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku dan yihiin oo dantooda ay tahay nabad iyo horumar taasna laga sugayo labada Madaxweyne.