|

Madaxweyne mise Waxkaleweyne

Gayiga Soomaalidu ku nooshahay ee geeska Afrika waxaa ka jira HAL Madaxweyne.
Waxaa kaloo ka jira amaba soo maray Waxkaleweyne yaal.

Waxaa laga xusi karaa kuwan:

Samirweyne, (aun) Mudane Aden Cabdulle Cusman
Dhagaweyne, (aun) Mudane Cabdulrashid Cali Sharmarke
Afweyne, (aun) General Moxamed Siyad Barre oo wayneeyay Afka Soomaaliga, (marka laga reebo waxyabo kale oo badan oo shacabkii uu ka tagay manta ku soo xasuustaan) Afkaasoo ah udub dhexaadka ay wadaagaan dadyowga Soomaaliyeed iyo kuwakale oo ku dhaqan meelo kala duwan oo ka mid ah Geeska Afrika. Waxaa nasiibdarro ah in iyadoo intooda badan dadyowgaasi maanta ay qoraan, akhriyaana Afka Soomaaliga oo uu sabab u ahaa (aun) Moxamed Siyad Barre, Qoritaankiisii, Hirgalintiisii iyo baahintiisiiba ay Waxkalewayneyaashii isugu yimid Jabuuti Xuskii Afartanaad ee Qorista Afka Soomaaliga aanuu midkoodna xusin una mahad celin Halyaygii ku dhiiraday una horseeday Soomaali meel ay ku nooshahayba, inay intooda badan wax qoraan waxna akhriyaan. Waxay dadka Afsoomaaliga ku hadlaa iswaydiiyeen kana xumaadeen, bal inta kale haba danbaysee sababta ku kaliftay Waxkaleweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo aan hubo in aanuu qori jirin akhriyina jirin Afka Soomaaliga Moxamed Siyaad Hortii in uu xusi waayo una mahad celin waayo Moxamed Siyad, oo uu inbadan ugu yeedhi jiray Aabihii Garashada Gayiga Soomaaliya. Waxaa la hubaa in mashruucaa Qorista, Hirgalinta iyo baahinta Afka Soomaaligu uu u yahay Moxamed Siyad iyo intii kala qayb qaadatayba, SADAQA JAARIYA taasoo socondoonta inta ay isticmaalayaan dadka nooli iyo kuwa dhalandoonaaba. Waarimayside War Hakaa Hadho Waxkaleweynow  .
Naaftoweyne, Mudane Cali Mahdi Mohamed
Aafoweyne, (aun) General Moxamed Faarax Caydiid
Tolweyne, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
Ciilweyne, Mudane Cali Khaliif Galaydh
Dagaalweyne, (aun) Kornayl Cadulahi Yuusuf Ahmed
Jeebweyne, Mudane Cali Moxamed Geedi
Jallaafoweyne, Mudane Nuur Xasan Xuseen Cadde
Beenweyne, Mudane Shariif Sheikh Axmed
Dabinweyne, Mudane Shariif Xasan Sheikh Aden
Daalinweyne, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali
Daacadweyne, Mudane Moxamed Cabdulahi Farmajo
Faanweyne, Mudane Cabdiwali Moxamed Gaas
Cilmiweyne, Mudane Axmed Ismaaciil Samatar
Nacweyne, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ay Soomaali meelkasta oo ay ku nooshahay aad ugu faraxday doorashadiisii ahaana kii loogu hanweynaa, hese yeeshii durba Garsoorxumadiisa, Caddaalad darradiisa iyo kooxaysigiisu mugdi galiyeen rajadii, hankii iyo gurmadkii shacabka Soomaaliyeed ka filayeen isaga iyo Masuuliyiinta kale ee la shaqaysa. Waxaan leeyahay, Mudane Xasan Sheikh, Soomaali kama maaranto waqtiqa ay xilka kuu dooratay oo horaa Silic iyo Saxariirba ugu dhammadeen, ee waxaan ilaahay (SWT) ka baryaynaa inuu qalbigaaga badalo oo ilaahay (SWT) kaa dhigo kii dadkiisa iyo dalkiisaba u horseeda, Nabadgalyo, Midnimo iyo Horumar waara. Wali waan rumaysankari la’ahay sababaha Shacabka Soomaaliyeed kaaga irdhoobay adigoo xilka u haya dhowr bilood oo qudha, ee noqo kii loo hanweynaa ee aan lagu hungoobin.
Hurdoweyne, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
Xumaweyne, Mudane Cabdulraxmaan Sheikh Moxamed Faroole
Riyoweyne, (aun) Mudane Moxamed Haji Ibraahim Cigaal
Dulweyne, Mudane Daahir Riyaale Kaahin
Eexweyne, Mudane Axmed Moxamed Maxamuud Siilaanyo
Caloolweyne, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle
Cayweyne, (aun) Mudane Xasan Guuleed
Dulmiweyne, Danjire Moxamed Cabdi Afey
Dadaalweyne, Mudane Khadar Macalin
Lugweyne, Mudane Cabdulahi Xasan
Cirroweyne, Mudane Cabirashiid Duulane Rafle
Xayleweyne, Mudane Da’uud Moxamed Cali

IYO

1. Madaxweyne, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Mooyee intakale waa Waxkaleweynayaal. Madaxweynenimadu ma aha Darajo cidwaliba ku sifoobi karto haba siteen magaca haday doonaane. Waa wax aad ku mutaysankarto sida aad Shacabkaaga ula Dhaqanto, U Dhaqdo, uguna Dhaqdo. Cabdi Moxamuud waa Madaxweyne aan la kala ilaalin isaga iyo Shacabkiisa, jecelna inuu dhex joogo Hadh & Habeyn meel kasta oo ay ku noolyihiin Miyi, Magaalo iyo Dalka dibadiisaba. Waa madaxweyne waraysta una warrama Shacabkiisa iyadoon cidi u Dhaxayn, Masuuliyiinta kalena kula xisaabtama hortooda, Waxa loo igmaday ama loo xilsaaray, waxa u qabsoomay, waxa aan u qabsoomin, iyo waxa ay u qabsoomi waayeen, dabadeedna loo wada raadiyo Xal waara. Madaxweyne Cabdi Maxamuud, waa madaxweyne garasha dheer leh, shacabkiisana kala tashada waxa danta dalkooda Ethiopia guud ahaan, gaar ahaana ta Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ku jirto, sidaasaanay ugu suurta gashaa in ay wadajir u qoondeeyaan una qorsheeyaan, Horumarka dhinackasta Dadka iyo dalkuba u baahanyahay Sannad walba, iyagoo wada jir u qiimeeya ulana xisaabtama Masuuliyiinta Bil walba, sidaan kor ku xusay. Dadka Afka Soomaaliga ku hadlaa, waxay ku maahmaahaan: Waa baryey Sacab ma qariyo. Waxaa lawada arkaa oo aan la qarin Karin Horumarka baaxadda leh ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud u horseeday shacabkiisa dhinac kasta iyadoon halkan lagu soo wada koobi Karin, hadii waxyar aan ka tilmaamo waxaa ka mid ah:
Dhinacyada:
Amniga, Caddaaladda, Difaaca, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Beeraha, Waddooyinka, Dhismayaasha guud, Garoomada, Warbaahinta, Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Bulshooyinka.
Waxyaabaha dhagaha Dadka Af Soomaaliga ku hadlaa meelkasta oo ay ku noolyihiin, Geeska

Afrika iyo Caalamka intiisa kaleba ay ka raysteen maqalkooda ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud shacabkiisa ka koriyey waxaa ka mid ah:

Beel Hebel iyo Beel Hebel ayaa dagaal Culus ku Dhex maray meel Hebla, iyadoo la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan. Waxaana ku kala dhintay Intaa iyo Intaa iyo Dhaawac gaadhaya Intaa.

Hogaamiye waliba waqti kooban buu leeyahay, sida cimriga nooluhuba u koobanyahay. Mid waliba MIDHAHA uu ku beerto dadkiisa iyo dalkiisa, waqtigaayar ayuu u aayaa.

Mid la eryado oo sida Jiirka marba god ka gala shacabkiisa, aakhirkana hilbihiisa nolosha lagu kala boobo ama dirqi ku baxsada oo ku dhinta meel fog iyo dhul dabadii.

IYO

Mid loo duceeyo sida Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, shacabkiisuna ku naaloodo, Nabadgalyo, Caddaalad iyo horumar dhinackastaba ah oo uu u horseeday. Hadduu dhintana, geeridu waa lama huraan eh, loo duceeyo loona baroorto, laguna xushmeeyo Guulaha dhinackasta ee uu shacabkiisu ka dhaxlo, Maydkiisana loo doonto dhul dabadii hadduu ku geeriyoodo loona dhiso Taalooyin iyo Xarumo lagu xasuusto.

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

Comments are closed