Shoolado Cunto Karinta loo adeegsado oo Hargaysa lagu soo bandhigay {DHAGAYSO}
Hargaysa 09.April (SDN) Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga iyo Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Hawlaha Guud ayaa ka qayb galay Xaflad lagu qabtay Huteelka Maasoor oo lagu soo bandhigayay aalad lagu karsanayo Cuntada oo lagu Magacaabo Wonder bag .
Munaasibada daah furka adeegan waxaa kale oo ka qayb galay Xubno isugu jira Qurbo joog iyo marti sharaf kale.
Eng Khaalid Ibraahin Cali oo ka mid ah Xubnaha Hindisay aaladan ayaa si qoto dheer u sharaxay waxaanu sheegay in dalkeenu yahay kii 6aad ee laga Isticimaalo Shooladaha noocan oo kale ah oo lagu aasaasay dalka Konfur afrika .
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa hoga tusaalaysay sida ay deegaanka Shooladaha noocan oo kale ahi wax weyn uga tarayaan iyadoo Xustay inay badbaadinayso dabar goynta dhirta.
Wasiir ku xigeenku Waxa ay Xustay in dhibaatada dhinaca dabka ka dhasha uu raad weyn ku leeyahay haweenka waxaanay intaas ku dartay inay ku rajo weyn tahay sidii uu adeegani hoos ugu dhigi lahaa khatartaas .
Gaba Gabadii Munaasibadaas Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane C.risaaq Khaliif Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq ayaa madashaasi ku daah furay Cuntooyin lagu farsameeyay Shooladan,oo Wax ku karinaysa Uumiga ka baxa dabka .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SHOOLADAHA.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com