|

Dowladda Ethiopia oo sheegtay in ay ka go’antahay xaqiijinta Nabada Soomaaliya

Addis Ababa April 09 2013 (SDN)– Sida ay qortay Wakaalada wararka ee dalka Malaysia Xukuumadda Adis-Ababa ayaa shaaca ka qaaday in Marnaba dhankooda aysan ka gaabin doonin Xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo xariir wadaaga kale ee ka dhaxeeya wadanka dariska ay yihiin ee Soomaaliya, tan iyo inta ay ka muuqaneyso Soomaaliya baraare iyo Nabad.

Ra’iisul waaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Dessalegn ayaa hoosta ka xariiqay in ay kordhin doonaan caawinaada ay siinayaan Soomaaliya, isagoona balan qaaday in ay xaqiijin doonaan deganaasho iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Dessalegn, ayaa sheegay in kaliya aysan ku koobnaan doonin sare u qaadista nabada, islamarkana Soomaaliya ay ka fulin doonaan mashaariic horumarineed oo kala duwan.

Waxa uu tilmaamay Mr. Dessalegn in dowlada Ethiopia iyo shacabkeeda si wada jir ah ay u bixin doonaan taageero dheeraad ah oo la siinayo Soomaaliya tan iyo inta suurta gal ay ka noqoneyso in shacabka Soomaaliyeed nabad ku noolaadaan.

Gudoomiyaha Urur goboleedka IGAD ahna Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Dessalegn ayaa ugu dambeyn qeexay in ay ka go’an tahay gacan siinta Soomaaliya sidii dhibaatada imika soomaaliya ka jirta ay kaga bixi laheyd.

Dowlada Ethiopia ayaa ka mid ah dowladaha dhanka Meleteriga ka taageera Xukuumadda Soomaaliya.

SDN

Comments are closed