Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta
Hargaysa 09.April (SDN) Madaxweyne ku Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u Diray Madaxweynaha Cusub ee Wadanka Kenya Mudane, Uhuru Kenyatta oo Maanta loo Caleemo saaray Xilka Madaxweynanimo ee Dalka Kenya.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa lagu sheegay in Madaxweyne ku Xigeenku uu Dhambaalkiisa ugu hambalyeeyay Mudane Uhuru Kenyatta xilka Madaxnimo ee ay u doorteen shacbiga reer Kenya, waxaana uu tilmaamay in labada Shacbi ee Somaliland iyo Kenya ay ka dhexeeyaan xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi.
Mudane Saylici waxa kale oo uu dhambaalka uu u diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku faah-faahiyay in Dalka Kenya ay ku nool yihiin Jaaliyad balaadhan oo asalkoodu uu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalana ay Dalka Somaliland ku nool yihiin Jaaliyad reer Kenya ah oo ka ganacsata kuna dhaqan dalkan Somaliland.
Madaxweyne ku Xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu rajeeyay hogaaminta cusub ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta inay kor usii qaadi doonto sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada Umadood iyo labada Dawladood ee Somaliland iyo Kenya.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com