|

Axmed Madoobe: Wax Khilaaf Ah Nagalama Dhaxeeyo Dowladda Federalka Soomaaliya

Kismaayo April 09 2013 (SDN)— Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe hogaamiyaha Ururka Raaskaambooni ahna Guddoomiyaha Maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta ku howlan dhismaha maamulka Jubbaland uusan ka dhaxeyn khilaaf.

Khilaafka sida weyn loo hadal hayo ayuu ku sheegay inay tahay mid aan sidaasi ubuurneyn iyadoo uu jiro shirar kale oo ay ku madalsan yihiin madaxda Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiinta horboodeysa shirka Magaalada Kismaayo halkaasi oo uu sheegay Axmed Madoobe in lagu xalinayo khilaafka yar ee iminka taagan.

Sidoo kale Hogaamiyaha maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in dib loo eego Dastuurka dalka,kaasi oo dhigaya in nidaamka Federaalisamka uu xuriyad siinayo.

Axmed Madoobe oo qiil usameynayo dhismaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dastuurka dalka uu dhigayo in maamul ay sameysan karaan labo maamul iyo wixii ka badan shacabka Jubbooyinkana ay raali ka yihiin dhismaha maamulka Jubbaland.

Dhismaha shirka maamulka Jubbaland ayaa hadalhayn badan ka dhaliyay siyaasada dalka Soomaaliya iyadoo tan iyo markii safarkii Ra’iisul Wasaaraha dalka uu dib kaga soo noqday Kismaayo sheegayna in natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday shirka ay wada qaateen masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo ayaa waxaa soo baxaye hadalo kala duwan.

SDN-Kismaayo

Comments are closed