Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo isugu yeeray Gollaha kalfadhi aan caadi aheyn
Hargeysa April 09,2013(SDN)-Guddoomiyaha Gollaha Guurtida ee Jamhuuriyada Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta shaaciyay in Gollaha Guurtidu uu fadhi isugu yimaado Badhtamaha Bishan.
Qoraalka Guddoomiye Saleebaan laguma sheegin waxa lagu eegi doono kalfadhiga waxaase uu kulankan uu shaaciyay uu ku soo beegmayaa xili ay Somaliland iyo Soomaaliya u socdaan wadahadalo.
Qoraalka Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland ayaa sidan u qoraa;
Ujeedo: Wargalin Kal-fadhi aan Caadi ahyn.
Shirgudoonka Golaha Guurtidda Somaliland, isagoo ka duulayua Qodaobka 46aad, xarafka {T} ee Dasturka JSL oo lala akhriyaayo Qoddobka 71aad ee Dasturka JSL, wuxu Go’aamiyey in Xubnaha Golaha Gurtidu isagu yimaado Kal-Fadhi aan Caadi ahayn Malinta Isniinta ee ay Bishu tahya:- 15-April-2013 Sacaduna tahay 9:00 subaxnimo hadii alla yidhaa.
Sidaa awgeed waxa mudanayasha Golaha Gurtida lagu wargalinaya in ay sidaasi ula socdaan, kana soo qayb-galaan Kal-Fadhigaasi aan cadiga ahyn.
allaa mahad leh.
Saleebaan Maxamuud Aadan
Gudoomiyah Golaha Gurtida Somaliland