Uhuru oo maanta loo dhaarinayo xilka Madaxweynanimo ee dalka Kenya
Nairobi April 09 2013 (SDN)– Uhuru Kenyatta ayaa Lagu wadaa in doo dhaariyo Xilka Madaxtinimo ee dalka Kenya kaddib markii doorashadii March kaga guuleystay Ra’iisul wasaaraha talada ka sii dagaya ee Raila Odinga.
Madaxfarabadan oo ka socota dalalka gobolka kuyaalla iyo kuwa caalamka ayaa ka soo qeybgalidoona xafalada dhaarinta laakiin waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir oo ay dooneyso ICC uusan tagi doonin Magaalada Nairobi.
Kenyatta ayaa guuleystay Wareegii Koowaad ee doorashada hase ahaatee Odinga ayaa dood ka keenay waxaana Markale ay Maxkamada sare ee dalkaasi Go’aamisay in Mr Uhuru Kenyatta uu guuleystay.
Mr Kenyatta iyo Madaxweynaha Ku-xigeenkiisa William Ruto ayaa labaduba wajahaya Eedeymo horyaala Maxkamada Danbiyada Dagaalka ee ICC waxaana loo heystaa rabshadihii ka dhashay 5-sano ka hor doorashii dhacday.
Uhuru Kenyatta oo ah Wiil uu dhalay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Kenya soo mara ayaa talada kala wareegi doona Kibaki isagoona noqon doona Madaxweynihii ugu yaraa ee talada Kenya qabata waxaana ay da’diisu tahay 51-sano jir.
SDN-Nairobi