|

Warar xogogaal ah oo aanu ka helney Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Axmed saleban Dhuxul In Dalka Emitareku uu Ka Dalbaday Xukuumada Somaliland Inay Qaataan 15 Sanadood oo Federal ah

Hargeysa 3April13(SDN)Warar Xogogaal ah oo Aanu Helnay oo Sheegaya In Dalka Emitareku uu Ka Dalbaday Xukuumada Somaliland Inay Qaataan 15 Sanadood oo Federal ah Isla Markaana Emirateku uu Bixiyo Magdhowgii Xasuuqii Dowladii Siyaad Bare Ay u Geysatay Shacabka Somaliland

Warar aanu ka helnay illo xogogaal ah ayaa sheegaya in dalka Emirateku uu ka dalbaday waftigii madaxweynaha Somaliland uu hogaaminayey ee ee dalkaa safarka dhawaan ku tagay in wadanka Somaliland uu qaato 15 sanadood oo Federal ah intaa kadibna la eego arinta Somaliland marka ay 15 ka sanadood dhamaadaan oo afti laga qaado shacabka reer Somaliland, Wararkan oo aanu ka helnay illo gaar ah oo aad ugu dhawdhawaa waftiga Somaliland uu kana mid ahaa afhayeenka madaxtooyada Axmed saleebaan Dhuxul ayaa noo xaqiijiyey in waftiga madaxweynaha arintaa uu u soo bandhigay dalka Emirateka Carabtu iyagoo sheegay inay taa ugu bedelidoonaan Somaliland inay Emirateku bixiyaan magdhowgii dhibaatooyinkii ka soo gaadhay shacabka Somaliland dagaaladii & xasuuqii ay u geysatay dowladii Siyaad Barre,

illaha aanu warkan ka helnay ayaa noo sheegay in aanay hubin waxa ay soomaliland ka yeeshay dalabka xukuumada Emirateka iyadoo Xukuumada Emirateku ay laba maalmood uun kadib markii waftiga Somaliland uu dhameystay booqashadiisa ay u yeedheen wafti kalle oo uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud. iyadoo sida naloo xaqiijiyey ay kalla hadleen arimo ku saabsan wixii ay kalla hadleen waftiga Somaliland, Xukuumada Boqortooyada ah ee Emirateka ayaa ugu yaraan ku guuleysatay inay waftiga Somaliland ka dhaadhiciso inay mar kalle hor tagaan dalka Somaliya iyadoo dadka siyaasada ka faalloodaa ay sheegayaan in safarkaasi uu dhalay in Somaliland ay mar kalle ku dhawaaqdo inay la shiri doonaan xukuumada Somaliya todobaadyada soo socda oo ay ku kulmi doonaan dalka Turkiga,

Xukuumada Somaliland oo aad moodo inuu ku dhacay jahwareer siyaasadeed ayaa waxaa muuqda in xukuumadu aanay lahayn siyaasad cad oo ku saabsan arimaha dibada iyadoo go,aanka ay qaataan inay bedelaan ay ku xidhan tahay uun inuu u yeedho wadan ka mida dalalka caalamku haba yaraado wadankaasi haduu doonee, Noqnoqoshada & iska hor imaadka xukuumada Somaliland ayaa in badan ku keeni kara dhaawac weyn siyaasada arimaha dibada iyadoo ay intaa u dheer tahay cadaadis caalami ah oo kaga imanaya wadamo badan oo doonaya inay Somaliland mar kalle hoos geeyaan Soomaaliya. Wadamada arintan doonaya ee cadaadiska ku haya Somaliland ayaa si fudud uga faa,iideysan kara siyaasada iska hor & daba imanaysa ee xukuumada Somaliland,

Xukuumada Emirateka oo mudooyinkii danbe isku hawlaysay arimaha guud ahaan Soomaalida gaar ahaana inay isu soo dhaweyso Somaliland & Somaliya ayaa iyadoo la og yahay inay hore shir ugu qabteen dalkaa kaasoo ay heshiisyo ku kalla saxeexdeen madaxweynaha Somaliland & madaxweynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif aanay weli ka hadhin ujeedadeedii ahayd inay iyadu noqoto dalka isu keenay Somaliya. Iyadoo arintaasi keentay in si balaadhan ay ugu soo dhaweeyaan madaxweynaha Somaliland dalka Emirateka laakiin aan illaa iminka la,ogeyn jawaabta ay xukuumada Somaliland ka bixisay dalabka uga yimi wadanka Emirateka maadaama aanay inta badan xukuumada Somaliland uga waramin shacabkeeda waxa ay kusoo wada hadlaan wadamada ay booqdaan waxa kelliya ee ay u sheegaana ay tahay in loosoo ballan qaaday mashaariic horumarineed laakiin ujeedadii runta ahayd ee loogu yeedhay ay iyaga uun ku kooban tahay.

Comments are closed