Xildhibaano ka tirsan Barlmanka Soomaaliya oo ku sii jeeda Magaalada Kismaayo
Muqdisho April 03 2013 (SDN)– Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laguwadaa inay gaaraan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose halkaasi oo uu ka socdo shirka Jubaland.
Kadib isfahankii Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in door dhexdhexaadineed oo siyaasad ah ay kaga aadan tahay Dowladda iyo maamulka KMG ee Kismaayo cidii qaladka lehna ay usheegayaan sida uu yiri Xildhibaan Tahliil.
Wafdi heerkiisa uu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan dib uga soo noqday Kismaayo xarunta Gobalka Jubadda hoose iyadoo kulamo ay wada qaateen masuuliyiinta maamulkaasi ay isku afgaran waayeen qodobada qaar.