|

Axmed Madoobe Oo Sheegay In Lagu Hayo Dagaal Lagu Burburinayo Maamulka Jubaland

Kismaayo April 03 2013 (SDN)— Guddoomiyaha maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in dagaal lagula jiro dhismaha maamulka Jubbaland.

Isaga oo ka hadlaye hoolka uu ka socdo shirka Jubaland ee shalay Dastuurka maamulka Jubaland uu yeelanayo lagu ansixiyay ayaa wuxuu sheegay in dhismaha maamulka Jubaland lagula jiro dagaal adag.

Dhamaan ergada shirka kasoo qeybgashay ayuu usheegay inay ogyihiin jiritaanka culeesyo badan oo lagu doonayo naafeenta shirka Jubaland dhinaca uu doona haka yimaadee.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo sheegay wax waliba oo lagu burburin karo shirka Jubaland si hoose iyo sare intaba loogu sheegay.

“Waxaan idiin sheegaya waxkasta oo qof Bini’aadam ah uxusho in la igula hadlay si aan shirkaan uburburino,waxyaabaha la igu dhahay waxaa kamid ah maad iska haysatid laguguma haystee aan kuu barakeene”Sidaasi waxaa yiri Axmed Madoobe.

Shirka Jubaland ee ka socda Magaalada Kismaayo ayaa lagu doonayaa in maamul loogu sameeyo Gobalada Jubbooyinka iyadoo markii hore qorshaha uu ahaa maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo balse Dowladda Soomaaliya Maamul KMG ay u magacaawday Gobalka Gedo.

SDN-Kismaayo 

Comments are closed