Nin Soomaali ah oo toogasho lagu dilay Woqooyiga London
London April 03,2013(SDN)-Nin Soomaali ah oo aan ilaa iyo haatan magaciisa la shaacin ayaa lagu toogtay xaafada Edmonton ee woqooyiga magaalada London ee dalka Britain gelinkii danbe ee maalinimadii Isniinta.
Ninkan oo 19 jir ahaa ayaa dadka ku nool wadada Bounce Rd waxa ay sheegeen in ay maqleen dood iyo qeylo saaid ah mudo yar ka hor toogashada.
JordanSimbananiye oo 18 jir aha ayaa sheegay in uu kolkii hore ee uu maqlay dhawaqa rasaasta uu moodayay in ay ahaayeen walxa qarxa ee caruurtu ku ciyaarto balse uu kolkii danbe ee uu arkay Booliis iyo dhakhaatiirta Gurmedka degdega Caafimaad uu yiqiinsaday in waxa uu maqlay aya aheyd rasaas.
“Booliiska ee Gurmadka Caafimaadba waxa ay isku deyeen in ay ninka noloshiisa bedbaadiyaan mudo ku dhow 30 midhidh”ayuu Jordan yiri.
Alexandra Koohi oo iyana 21 jir ah ayaa sheegtay in ay maqashay qeylo ka diba rasaas.
“Waxaan maqlay buuq faro badan,saacad ka dibna waxaan maqlay laba xabadood,daaqada kolkaan ka eegayna waxaan arkay ninkan la toogtay oo dhulka yaala,dhiig baan meelba daadsanaa”ayay Alexsandra tiri.
Alexandra waxa ay sheegtay in iyada iyo ruux jaarkeeda ahi ay dibada u soo baxeen sida ay ninka la toogtay u caawiyaan waxaaney arkayeen sadex ruux oo goobta ka yaacaya.
Ruux kale oo arkayay sida wax u dheceen oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in uu arkayay habeen horteed toogashada Marxuumka oo la doodaya dhawr ruux,ka dibna gaari uu ku baxsanayay daqaadaha laga jebiyay.
Booliska London ayaa cid walba oo heysa xogta toogashadan weydiisanayaa in ay baaritaanka ka caawiyaan.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com