Qaraxyo Xalay Lala Beegsaday Xaruntii DAHABSHIIL Ee Muqdisho iyo Al-shabaab oo Xidhay Xafiisyadii Dahabshiil Ee Deegaamada Ay Maamusho
Muqdisho April 03,2013(SDN/Hubaal)- Xafiiska ugu weyne ee Shirkadda Dahabshiil ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa la qarxiyay xalay, waxaana ku dhaawacmay ilaa inta la ogyahay laba qof sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Somalia ee magaalada Muqdisho oo goobta yimi qaraxa ka dib. Ilaa hada si cad looma ogga khasaaraha uu geystay qaraxaasi iyo cidda ka danbaysay, balse qaraxa ayaa sababay in Albaabadii Dhismayaashu soo daataan, wuxuuna kusoo beegmay kadib markii Xarakada Al-shabaab gebi ahaanba albaabada u laabeen xafiisyadii ay shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ku lahayd meelaha ay maamulaaan ee ka tirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, kuwaas oo ay amar ku bixiyeen in albaabada loo laabo ilaa amar danbe.
Ma jiro war ay shirkadda Dahabshiil kasoo saartay dhacdooyinka qaraxa iyo amarka Al-shabaab xafiisyadeeda kaga joojisay shaqada, sidoo kale sababaha Al-shabaab ay u xidhay xafiisyadaa ayaan si cad loo shaacin.
Shirkadda Dahabshiil oo ah ta ugu weyn Xawaaladdaha Soomaalida, isla markaana qabata Adeegyada Baanka ayaa sumacad weyn ku leh bulshada Soomaalida iyo dunida kaleba, waxayna marar badan ka qayb qaadataa taakulaynta iyo daryeelka bulshada Soomaalida ee deegaanada dhulka Soomaalida oo dhan, iyadoo todobaadkan ka mid noqotay 16 shirkadood oo kuwa bulshada Islaamka Britain ka qayb qaatay horumarkooda, taas oo ay ku qaadatay Abaalmarin , wuxuu weerarkani noqonayaa kii ugu weynaa ee lagu qaado.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com