|

Dawladda Turkiga oo Ka Hadashay Wada Hadalka Somaliland & Soomaaliya ee Dalkeeda loo Wareejiyey iyo Ifafaalaha Xukuumaddu Ugu Qiil Samaysanyso Ka Qayb galka Shirka London

Ankara (SDN/Hubaal)– Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu oo u warramaayey telefishanka dalka Turkiga ee TRT ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dalka Turkiga oo fududayn doono wada hadallo dhawaan la filayo in Somaliland iyo Soomaaliya uu ku dhex maro dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiya wuxuu markii ugu horaysay ka waramay in dalkiisu uu dhawaan fududayn doono wada hadalo dhex maraya ayuu yidhi masuuliyiinta Soomaalida waa sida uu hadalka u dhigaye “waxaanu doonayna in Soomaaliya la soo celiyo haykalkii ay dunida ku lahayd, Soomaaliya waa dal muslim ah, waana dal taariikh fac weyn la leh dalka Turkiga, waxaanu doonaynaa in aanu hello Soomaaliya adag oo xoog weyn oo Turkiga la saaxiib ah” ayuu yidhi Ahmet Davutoglu.

Wasiirka oo la weydiiyey in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya doonayana inay wada hadalka u wadaan sidii dal ka madax bannaan Soomaaliya oo xornimadiisa ku gorgortamaya wuxuu ku jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Turkiya Ahmet Davutoglu “Turkiga marnaba ma jecla inaanu aragno Soomaaliya oo kala qoqobanta, dadka Soomaaliya 20 sannadood ayey dhibi dhex taallay wada hadalka hadda furmayaana waxaanu kula talinaynaa hogaamiyayaasha kulmaya ee Soomaalida (Somaliland iyo Soomaaliya) inay wax kasta ka horraysiiyaan midnimada iyo wada jirkooda taasi ayaanu ku boogaadinaynaa Turkiguna aqoonsanyahay, wada jirka somaliya waa muhiim, waxana aanu sii wadaynaa dedaalkii Turkiga ee dibu heshiisiinta iyo wada jirka somaliya.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa cakis weyn ku ah hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku sheegay in Turkigu yahay dal Somaliland la saaxiib ah, dhawaan ayaa madaxweyne Siilaanyo markii uu safarka ku tagay dalka Turkiga qoraal wasaaradda arrimaha dibadda turkiga lagu shaaciyey waxaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu uu u sheegay madaxweyne Siilaanyo in turkigu uu mawqif adag ka taaganyahay midnimada Soomaaliya. In wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey loo wareejiyo dalka Turkiga oo dhinac u xaglinaya isla markaana aan marnaba qaddiyadda Somaliland iyo ta Soomaaliya dhex dhexaad ka ahayn ayaa waxaa saaran calaamatul su’aal ay dhici karto inay ceeb siyaasadeed ka qaado xukuumadda Siilaanyo, waxana uu ifafaalaheedii muuqdaa in xukuumaddu ay u qiil samaynayso sidii ay ugu qayb geli lahayd shirka somalida loogu qabanayo magaalada London, oo ay hore u sheegtay inaanay ka qayb geli doonin balse haatan uu shirkan Turkigu keenay tuhun fara badan oo arrintaa la xidhiidha.

SDN/Hubaal-Ankra

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed