|

Faallo: Maxaa Keenay Xiisaha Xukuumadda Somaliland u Qabto Wada Hadal Soomaaliya Naruuro u Ah?

Muddo aan ka badnayn Saddex Toddobaad, Xukuumaddu markay ogaatay dareenka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah kuwa gaadhay go’aankii la soo noqoshada Madax bannaanidoodii ay ka qaateen Gumeysigii Ingiriiska 26kii Juun, 1960kii, isla markaana ku biireen 1dii July, 1960kii Somaaliya oo iyaguna Talyaaniga ka qaatay Xorriyaddooda, ayaa waxa Xukuumadda Axmed-Siilaanyo kasoo yeedhayey dhawaaqyo isku mid ah oo u muuqday in lagu dejinayo dareenkii kacsanaa ee ay shacbigu ka qabeen ka qeybgalka shirka London iyo guud ahaanba wada hadallada Somaaliya iyo Somaliland, waxanu dhawaaqaas inta badan lagu soo celceliyey ahaa ‘In Somaliland aanay ka qeyb galayn Shirka London ee 7-da May loogu qabanayo Somaaliya.’

Akhristayaal Haddii aanu idin yar xusuusino sidii habqanka ahayd ee Xukuumaddu ugu celceisay hadalkaasi, waxa uu Madaxweyne Axmad Siilaanyo 28-kii March, 2013-ka markii uu kasoo laabtay dalka Turkiga u sheegay Warbaahinta in aanay Somaliland ka qeyb galayn Shirka Somaaliya. Waxa iyana u kala dembeeyey oo sidaa Madaxweynuhu ku dhawaaqay si la mid ah ugu sheegay Warbaahinta Dibedda iyo ta gudahaba Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibedda ee JSL.

Isla 31kii March, ayaa haddana Madaxweynuhu kaga dhawaaqay mar kale munaasabaddii Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka KULMIYE ku qabsaday Hotel Maansoor, Hargeysa. Diidmadaa ka qeybgalka shirka London oo ku celcelinteedii beertay dareen shaki, waxa uu haddana mar walba ku daba ladhayey Madaxweynuhu weedho kale oo ay ka mid ahaayeen “……balse meel kasta oo dantu ku jirto waanu tagaynaa….. iyo ma jirto cid Makhaayadaha wax nooga yeedhinaysaa ama wada tashi kala yeelanmayno ragga suuqa jooga!!!!”.

Waxa haddaba fajac iyo amkaag hor leh ku noqotay Shacbiga, iyadoo muddo ka yar Toddobaad gudihii (28-kii Illaa 31-kii March ee sannadkan) ay Xukuumaddu dhegaha dadka ku shubaysay, kuna celcelinaysay, diidmada ka qeybgalka shirka London ee Somaaliya, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamad C/llaahi Cumar 1dii April (Dorraad) gelinkii dembe ku qabtay shir Jaraa’id Qasriga Madaxtooyada, kaasoo uu haddana ku sheegay, in dalka Turkiga ay wada hadalladii Somaliland iyo Somaaliya dib uga bilaabmayaan muddo laba toddobaad ah gudahood, iyadoo uu Madaxweynaha Somaaliya isna isla waqtigii iyo Taariikhdii ku dhawaaqay in kulankaa labada dhinac uu ka dhici doono dalka Turkiga.

Haddaba, waxa halkaa markiiba uga iftiimay shacbiga dareenkoodii ahaa, in Xukuumadda ay marka horeba hoosta ku qarsanaysay kulanka ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Somaaliya ee dalka Turkiga, isla markaana lagu soo dhammeeyey socdaalkii hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirradiisu ku tageen Turkiga bishii aynu soo dhaafnay.

Sidaa darteed, si loo dejiyo dareenkii iyo shakigii uu shacbigu ka qabay arrintan, ay Xukuumaddu si xidhiidh ah dhegihii dadka ku shubtay dawadii ay u baahnaayeen oo ahayd qaadacaadda shirka London, dabadeedna ay jeebka kala soo baxday go’aankii ay kala soo noqdeen Turkiga ee ahaa inay ku kulmaan Somaaliya iyo Somaliland isla dalkaasi.

Somaaliya iyo bulshada Caalamku waxa ay isku waafaqsan yihiin, inaanu guuleysan karin shir loo qabto Somaaliya kelidood, waayo dhawr iyo tobankii shir ee hore ee bulshada Caalamku u qabatay Somaaliya dhammaantood way guul-darreysteen, hase yeeshee shirkii London ee Feb, 2012-kii ee Somaliland dhex fadhiisatay kooxaha Somaaliya uu guuleystay.

Si haddaba halkaa looga sii ambaqaado, waxa dalalka kaalmooyinka bixiya iyo kuwa kale ee daneeya arrimaha Somaaliya, ay isku xidheen bixinta kaalmada iyo kasoo qeybgalka shirarka loo qabanayo Somaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Marka arrintu ay sidaa tahay, waxa ay isweydiintu tahay in shirkaa Turkigu yahay mid Somaliland u furaya albaabkii ay ka geli lahayd shirka London ee 7da May, iyadoo shacbiga axraarta ah ee reer Somaliland-na loo sheegi doono, in wax ka beddel lagu sameeyey qaabkii qabashada iyo baratakoolka shirkaasi, kadib markay Somaliland diidday ka qeybgalkiisa, taasoo ay faan aan waxba ka jirin ka dhigan doonto Xukuumadda Siilaanyo oo horeba aanay uga dhab ahayn diidmadii ay shacbiga dhegaha ugu ridayeen.

Waxa ayaan-darro ah, in maanta Mas’uuliyiinta Qaranka ugu sarreeya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ay ku hadaaqaan wada hadallo lala galo Somaaliya, waqti aan wax gacanta ugu jiraa jirin Xukuumadda Muqdisho ee Xasan Sh. Maxamuud hoggaamiyo ee haysata taageerada Caalamka, iyadoo laga soo eryey Kismaayo (Jubbaland), Galmudug State, Baydhabo iyo meelaha kale ee ay ku jirto Muqdisho oo aanay xataa xukumin Ciidanka uu gaarka u leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ‘Mr. Tarsan’.

Tusaale, haddii kaba dhigno oo aan heshiis la gaadhno Xukuumadda Xasan-ka Muqdisho, ma fulin kartaa, mase ka aqbalayaan Madaxda sheegata Maamul Goboleedyo hoos yimaada Xukuumaddaasi, inay fuliyaan qodobada lagu wada gaadhay heshiiskaasi?. Jawaabta oo gaabani waa Maya, waxana xaqiiqo ah inay Marti ku tahay dhammaan Maamulladaasi Xukuumadda Muqdisho.

Qalinka Wargeyska Madaxa banaan ee HUBAAL, hore waxa uu iftiimiyey in Xukuumadda Muqdisho ay Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigatay Tukube ay ku hiigsato bulshada Caalamka si ay ugu hesho dhaqaale buuran, isla markaana mooralka ugu dhisto shacbigeeda aan waxba heshiiska ku ahayn marka laga reebo ta kaliya ee ay ka midaysan yihiin oo ah “Somaliland ma go’i karto!!!!”.

Marka la eego xiisaha ay u qabto Xukuumaddani wada hadallo dhex-mara Somaliland iyo Somaaliya, soo noq-noqodkii Hargeysa ee Xasan Sh. Maxamuud Intaan Kursiga loo Cumaamadin, Ololihii aan gabbashada lahayn ee Culimo reer Somaliland ahi Hargeysa uga Ololaynayeen Madaxtinimada Xasan, Hambalyaddii degdega ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo, wasiirradiisa Madaxtooyada, Daakhiliga, Khaarijiga iyo baadhasaabada Gobollada qaarkood (Burco) ugu kala dheereeyeen Markii Xasan La Doortay iyo weliba ifafaalayaasha ka muuqda heshiiskii ay Md. Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Khaarijigu (Xilligii uu Xogahayaha arrimaha Dibbeda ee KULMIYE ahaa) qallinka kusoo duugeen waqtigii ay mucaaridka ahaayeen, ee waliba bil-amaara ku saabsanaa kulan dhexmara Somaliland iyo Somaaliya ee Dawladdii hore ee Rayaale ku diidday Dawaladda Mareykanka, gaar ahaan ninkii Madoobaa ee Mudanaha ahaa ee watay Mashruucan ee la odhan jiray Donald Peyne, waxa iska cad inuu jiro ajende ku xidhiidhsan qadiyadda Somaliland oo si fudud loo aqbalay, loona sheegi kari la’yahay shacbiga, sidaa darteed la doonayo in la xiijiyo oo la jaha wareeriyo marka hore, kadibna la jiidhsiiyo danihii hore loo soo dhammeystay.

Haddii Shirka Turkigu noqdo kii lagu sallaxayey sidii dib loogu furi lahaa albaabkii Somaliland shirka London ee 7da May ka geli lahayd, maadaama ay hore u diidday si ay u qanciso dadkeeda, Waxaa Weedha Wargeysku talo ahaan Xukuumadda talada haysa ugu soo jeedinaysaa, inay dhegeysto dareenka shacbiga oo aanay odhan cid aan wax weydiinaynaa ma jirto, isla markaana haddii uu jiro ajende u qarsoon Xukuumadda sida la tuhunsan yahay aanay qarsan inta aanu ku qarxin ee ay u sheegto shacbigii soo doortay ee u dhiibtay talada dalka ee ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, haddii kale aan iska luno sidii nacaskii la soo helay.

Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa inay hakiso xukuumadda Siilaanyo wada hadallada naruurada iyo nolosha u ah xukuumadda Muqdisho  tan iyo inta laga helayo cid lala xaajoodo oo talada Soomaaliya gacanta ugu jirto.

 

Hubaal

Comments are closed